Haramacadka robot-ka ah..Farsamo cusub

Koox injineero ah oo ka socday jaamacadda North Carolina ee Mareykanka, ayaa farsameeyey robot-ka ugu dheeraaya dunida kaasi oo nashqadiisa laga soo qaatay u gaarta “haramacadka”.


Xaqiiqonews-Tiknoolaji

Koox jaamacadeed oo isagu jira injineero makaanika ah iyo kuwa ku takhasusay hawada ayaa soo saaray “robot” yar kaasi oo miisaankiisu la egyahay 42 gram, dhirirkiisuna uu yahay 2.2 inch.

Robotkani ayaa u shaqeynaya qaab “haramacad oo kale ah” , madaama uu leeyahay afar lug iyo qoor leex leexan karto oo ka sameysan “sillicon”.

“waxa aan dhiiri gelinta ka helnay haramacadka, waxaana sameynay nooc robot ah oo leh laf dhabar leexsami karta,” ayuu yiri Ji Yin oo ka tirsan jaamacadda North Carolina.

Kooxda sameysay robot-kan ayaa sheegay in robotkani uu ku ordi goobaha taagag ah, inkastoo orodkiisa uu noqonaayo mid gaaban mar loo barbardhigo goobaha siman.

Injineeradani ayaa ku raja weyn in “nashqadani cusub” ay noqoto mid wax weyn ka tarta robotyada loo isticmaalo adeegyada wax raadinta iyo baadi goobka, madaama xawaaraha uu muhiim yahay marka shaqooyinkaasi la joogo.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA