Haweeney 113 Sano Jir Ah Oo Ka Adkaatay Covid-19

-

Haweeney da’ ah oo ku nool waddanka Spain, loona badinaayo in ay tahay haweeneyda ugu da’ weyn waddanka ayaa ka adkaatay oo ka takhalustay fayruska karoona.


Xaqiiqonews-Caafimaad

Maria Pranias ayaa la ogaaday in ay qabta fayruska karoona, ka dib markii wadanka uu galay xaalad “bandow ah”, bishii maarso.

Todobaadyo karantiil ah ka dib, Pranias, ayaa caafimaaday, inkastoo calaamadaheeda cudurka ay iska ahaayeen kuwo meel dhaxaad ah.

Tani macnaheedu waxa ay tahay Pranias waxa ay soo nooleyd oo ay ka badbaaday hergabkii 1918 iyo 1919, dagaaladii sokeeyey ee Spain ka dhacay inta u dhaxeysay 1936-1939-kii, iyo sidoo kale cudurka Karoona.

Gabadheeda ayaa tiri “hadda wey caafimaad qabtaa, wey qurux badantahay, wey sheekeyneysaa, waa sida iyada oo dib u dhalatay”.

Sidoo Kale Aqri..Daawada Turkiga ee Covid-19 oo Sugeysa Kaliya in ay hesho Rukhsad

Maria Branias waxay ku dhalatay Mexico sanadkii 1907, waxayna u guurtay San Francisco labo sano kadib, waxayna timid Girona oo ku taal gobolka Catalonia ee waqooyiga Spain intii lagu jiray Dagaalkii Koowaad ee Aduunka iyada uu wehelinaayo aabaheed oo ahaa Isbaanishk ku shaqeynayay saxaafadda.

Waxay leedahay seddex carruur ah, oo mid ka mid ahi yahay 86 sano jir, waxayna leedahay 11 caruur oo ay ayeeyo u tahay , kan ugu weyn ayaa jira 60 sano.

pranias oo u warameysay wargeyska “La Vand Garde” ayaa tiri “ma sameynin wax aan ka aheyn in aan noolahay”.

Halkan Riix Si Aad U Aragto Wararka Muhiimka Ah ee Bogga Hore

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...