Haweeney Isku Badashay Dooro!

-

Dhaqaatiir ku sugan wadanka Biljam ayaa la wareersan xaaladda haweeney la arkay iyada oo u dhaqmeysa sida digaaga, gacmaheeda ayey u dhaqaajineysa sida baalal oo kale, waxa ay ku codeyneysaa sida codka diiqa.


Xaqiiqonews- Layaabka dunida

Dhaqaatiirta ayaa aaminsan haweeneyda in ay la dhibaatooneyso cudur maskaxeed ay ka qaaday walwalka ka dhashay geerida mid ka mid ah xubnaha qoyskeeda.

Haweeneyda ayaa qaban jirtay shaqo caadi ah, iyada oo ka shaqeyn jirtay farmashi ka hor inta aysan qaadanin nasasho hal sano, waxaana sanad ka dib ay ku laabatay shaqada iyada oo caadi h, mana jirto maan dooriyaal ama daroogo ay isticmaali jirtay ka hor inta aan lagu arkin cudurkan.

Sidoo Kale Aqri..Wixii Hore Oo Dhan Ka Daran..Waa Tee Naagta Gaduudan

Haweeneyda bukaanka ah ayaa dhaqaatiirta u sheegtay in dareemeysa xanuun dhanka lugaha iyo gacmaha, waxa ayna sheegtay in ay isku maleyneyso in ay dooro tahay.

Markii au cudurkan ka bogsatay ka dib, ma aysan soo xasuusan dhaqankeedii digaagadda camal ahaa, waxa ayna dareentay xishood iyo yaqyaqsiimo markii qoyskeedu u sheegeen dhacdada.

Sida ay ku doodayaan dhaqaatiirta cilmi nafsiga ee jaamacadda KU Leuven ee dalka Biljamka, xaaladahan oo kale oo qofka isku maleynaayo xaywaan waa mid dhif iyo naadir ah, waxa ayna qofka heyn kartaa saacado ama sanado, waxaana sababa isku dhaxyaac xagga maskaxda ah.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Guusha X S N M X M D

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay madaxweynaha Soomaaliya doorasha ka dhacday teendhada Afisyooni ee magaalada...

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...