Haweeney Isku Dayeysa In ay Qabriga ka Soo Baxdo 11 Maalin ka Dib#Muuqaal

-

Qiso cajiib ah ayaa ka dhacday mid ka mid ah magaalooyinka Dalka Brazil, ka dib markii haweeney  La aasay iyadoo nool,-qalad dhacay dartiis-.

Wargeyska Daily Mail ayaa Jimacadii La soo dhaafay sheegay in Rosengella Almeida oo 37 jir ah, ay isku dayday in ay ka soo baxdo Qabriga, ka dib markii lagu aasay qabrigeeda iyado oo wali nool.

Laakin si dhab ah ayey u dhimatay,  markii qoyskeeda ay  ku dul burburiyeen qabriga, ka dib  markii dadka deegaanka ay soo sheegeen in qabriga ka dhax maqleen cod dad qeylinya.

Sheekada Madax wareerka leh ayaa bilaabatay, xilli Meydkeeda loo sii waday Qabriga kolkaasi oo ragga qaarkii ay dareemeen lugaha oo nuuxnuuxsanaya, hase ahaate ma jirin baraarug sare maadaama geerideeda laga soo xaqiijiyey Isbitaalka, waxeyna  haweeneydani aheyd mid xaas ah, iyadoo aqal gashay 28 bishii januaray 2018-ka,.

Dad ku nool agagaarka qabuuraha ayaa u sheegay qoyskeeda, in ay  maqleen cod meel dheer ah oo ka soo baxaayey gudaha qabriga, 9-kii Feb-maalintaasi oo ku beegan 11 maalin ka dib dhimashadeeda.

Markii la faagay qabrigeeda, waxaa la arkay dhaawacyada jirkeeda, sida gacmaheeda oo garaafeysnaa,wajiga oo dhaawacyo kaga yiileen taasi oo muujineysa in ay u halgantay sidii ay qabriga kaga soo bixi laheyd.

Hooyada dhashay haweeneydan oo lagu magacaabo Germana de Almeida 66 jir ah, ayaa sheegtay in markii ay soo bixiyeen meydka gabadha, jirkeeda ay ku arkeen dhaawacyo aan ku oolin xilligii la aasay.

Germana de Almeida ayaa raacisay “Xitaa waxa ay isku dayday in ay daboolka iska qaato,maxaa yeelay musmaarada qaarkood booskeedi ayey ka baxsanaayeen”.

Arnaldo Mont oo ka tirsan Boliiska ayaa sheegay “Waxaan dhageysanay maanta marqatiga ka socday xubnaha qoyska, waxaana wadnaa baaritaan”

Waxaa uuna intaasi ku daray “hadii ay danta nagu qasabto waxaan baari doonaa meydka  Rosengella Almeida, si aan u ogaano wixii dhacay”

 

Wararka U Dambeeyey

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...

Dhagaxii Ceel Cali Waxa Uu Dhulka Ku Soo dhacay 50,000 Sano Ka Hor!

Sida ay lagu ogaaday baritaano ay si wada jir ah u fuliyeen jaamacadda almaas ee magaalada Muqdisho iyo baarayaal...

Qof Walbo Waxa Uu Cadaalad U Raadinayaa Ikraan Tahlill Marka Laga Reebo Farmaajo

La taliyihii hore amniga ee Farmaajo, Xuseen Cali oo hadda madax ka ah machadka daraasaadka ee Hiraal ayaa sheegay...