Haweeney cilmi baare ah ayaa sheegtay in la kufsaday iyada oo isticmaaleysay barnaamijka Dhab la moodka ah (virual reality) ee Metaverse oo ay leedahay shirkadda Meta.
XAQIIQO NEWS- TIKNOOLAJI
Koox baarayaal ah oo ka socday ururka SumOfUs ayaa la kulmay xadgudubyo kala duwan xilli ay adeegsanayeen barnaamijka Metaverse. Warbixin ay soo saartay kooxda ayaana ciwaan looga dhigay “bulaacad kale oo sun ka buuxdo”.
Kooxda ayaa sheegay intii ay isticmaalayeen Metaverse iyaga oo adeegsanaya tiknoolajiyadda dhab la moodka ah (virtual reality) in ay la kulmeen tacadiyo isagu jira: xadgugudbyo midib takoor, qalalaaso hubeysan iyo xitaa kusfsi.
Haweeney da’ yar ah oo ka tirsaneyd baarayaasha ayaa madaxa ku xiratay qalab iyo dhago laakiin ka dib hal saac oo ay barnaamijka ku dhax jirtay, Avatar oo ahaa qalabkii matalaayey haweeneyda ayaa la kulmay kufsi.
Qol gaar ah ayaa la geystay waxaana kufsaday isticmaale kale oo ku yiri dhinaca kale u jeeso si aan howsha u gudano xilli isticmaalayaasha kale ay daawanayeen.
Hase yeeshee shirkadda Meta oo iskaleh barnaamijka la adeegsanaayey ayaa eedda iska jeediyey iyagoo qaladka dusha ka saaray haweeneyda cilmbi baare ah oo ay sheegen in aysan isticmaalin “safety mode” oo ka ilaalin lahaa in isticmaalayaal kale u soo dhawaadaan.
Intiina aan garaneyn barnaamijka Metaverse Platform waa barnaamij la filaayo in mustaqbalka uu badalo internetka aan hadda adeegsano.
Iyada oo qofka uu adeegsanaayo muraayado iyo qalab madax lagu xiranaayo Metaverse ayaa isticmaalayaasha siinaysa sawiro iyo muuqaalo 3-D ah taasi oo ka dhigeysa mid u eg sida dunida caadig ah.