Al-Kataa’ib, Garabka Warbaahineed ee Xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay Filim cusub oo lagu soo bandhigayo Howlgallo waa weyn oo Al-Shabaabku ay ka fuliyeen Soomaaliya.
Filimkan oo Cinwaankiisu Yahay “لَا مَرْحَبًا بِهِمْ ۚ إِنَّهُمْ صَالُو النَّارِ” ayey Mu’asasada Al-kataa’ib ku sheegtay in uu yahay Wathaa’iqi soo bandhigaya duullaankii lagu qaaday xerada ciidamada Kenya ee Kulbiyow dhamaadkii bishii January ee sanadkan kaas oo ay sheegteen in ay ku dileen ugu yaraan 67 askari.
filimkani cusub ayaa lagu tarjumay ugu yaraan afar luuqadood oo kala ah English, Carabi, Soomaali iyo Swahili, waa Filim tayadiisu heer sare tahay oo la daawan karo 54 daqiiqo iyo ilbiriqsiyo.
halkan riix si aad u daawato filimka oo sawahili ah