Hees La magac baxday”The Angary american” oo Laga qaaday shirk maadxeeda islaamka iyo mareekanka ee ka socdo Riyadh

-

Shir madaxeedka dowladaha islaamka iyo mareekanka ayaa ka soconaya caasimadda sacuudiga ee riyadh waxaana go,aamada shirkan oo ay ka soo qeyb galeen 55 hogaamiyaal oo dunida ilaamka ah iyo hogaamiyaha mareekanka ka mid ah in La diyaariyo 34 askari oo la dagaalamo Argigixisada gaar ahaan kooxda dowladda islaamka.
dhank kale heesaaga caanka ah ee u dhashay mareekanka “Toby Keith” ayaa hees ka jaadiyey masrax ku yaalla Riyadh inta lagu guda jiro booqashada Trump ee Dhulka labada xaram ee barakeysan.
Toby Keith ayaa jeediyey hees la magac baxday“The Angry American“ “Mareekanka xanaaqsan” waxaana masaraxa ku wehlinaayey heeseegga caanka ah ee u dhashay sacuudiga “Rabix Saqar” xafalad si lacag la,aan ah lagu galaayey oo ka dhacday Riyadh Caasimadda sacuudiga iyadoo goobta Masraxana lagu xardhay Midibo Guduud ah,kuwo buluug ah iyo waliba calanka mareekanka.
gabadha wariyaha ah ee ka tirsan“Associated Press” ee lagu magacaabo Julie Pace ayaa ku sheegtay barta internet-ka in Trump iyo Marwada koowaad ee Mareekanka Melania ay si wada jir ah ugu qeyb galeen xafladda heesaha ah iyagoo qeybta danbe xafladdana u daawanaayey si toos ah iyagoo ku sugan Golf Cart.
Furitaankii shirka madaxada islaamka iyo Trump ugu socda mareekanka ayaa waxaa lagu daah furay aayadda qur,aanka ah ee ilaah ku leeyahay”“واعتصموا بحبل الله جميعا” ” Muslmiin hadaa tihiin Qabsada Xarigga Ilaah adinkoo wada jira
waxaana khudbadihii shirka laga jeediyey ka mid ahaa khudbad uu jeediyey Madaxweynaha mareekanka taasi oo uu ugu baaqey muslimiinta in ay midoobaan lagana soo horjeesto halista ka imaaneysa kooxaha islaamiyiinta ee doonaya in shareecada islaamka wax ku xakumaan waa sida uu hadalka u dhigaye.
mas,uul sare oo ka tirsan maamulka Trump ayaa warbaahinta u sheegay in nuxurka khudbadda Trump uu ahaa in muslmiinta fahmaan baahida loo qabo in laga hortago kooxaha islaamiyiinta ee mayalka adag.
si kastaba ha ahaate sacuudiga ayaa noqday goobtii ugu horreysay uu Trump u tago safar dibadda ah tan iy markii uu xilka qabtay waxaana sacuudiga ay arintani u arkaan mid sii xoojineysa xariirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...