Xisbi la magac baxay “teegeerayaasha Mahdi” ayaa soo bandhigay qorsho cusub oo ku aadan heshiis dhax mara Df-ka iyo Al-shabaab.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Gudoomiyaha taageerayaasha Mahdi, Xuseen Cali Cilmi oo la hadlay idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in xisbigiisa ay warqado u kala direen madaxda Df-ka iyo hogaamiyaha xarakada Al-shabaab.
Sida uu Xuseen xusay, warqadaha la diray waxa ku qornaa dalab ku aadan heshiis iyo xabad joojin dhax mara Df-ka iyo Al-Shabaab.
Sidoo Kale Aqri: Somaliland iyo Al-Shabaab Oo arintan Isku Raacay
Xuseen, waxaa uu sheegay in uu ka mid ah musharaxiintii 2004-tii ee doorashadii Embakaati, waxa uu kale uu tilmaamay in uu isa soo sharaxi doono doorashada soo socota ee 2020/2021.
Taleefoonka Ayuu Igu Damiyey Saddex Mar
Xuseen waxa uu sheegay in dhowr uu qadka taleefonka ee Whatsapp-ka uu ka wacay Farmaajo balse taleefoonka lagu damiyey.
“Madaxweynaha waxaan helay watsapp-kiisa gaarka ah, waxaan wacay seddax jeer isaga oo online ah, balse waa uu igu deminayey oo igama qaban” ayuu yiri Xuseen.