Heshiishkii Decale..Maxaa Xiggi Kara?

-

Dhammaan mucaashiqiinta siyaasadda Sooomaaliya waxa ay soo dhaweeyeen “Heshiishkii mucaaradka iyo mxaafadka”, laakiin waxaa lagu kala aragti duwan yahay maxaa xiggi kara taasi oo lafteeda noqon kartaa khilaaf cusub.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

“Ma aheyn heshiis, waxa uu ahaa is afgarad”

Prod: Baadiyoow

Sidaasi waxaa heshiiska ku sharxay Cabdiraxmaan Baadiyoow oo ka ka mid ahaa taageerayaasha mucaaradka.

Arinta kale oo iyada shakiga abuureysa waxa ay tahay sidee heshiiska u soo dhaweeyeen dhinacyada wili isdiidan sida Farmaajo, Deni iyo Axmed Madoobe, waxaa halkaas iiga muuqda in heshiiska uu yahay “Laastiik” oo qof walbo dhinicii uu rabo uu u jiidi karo.

Waxaa lagu heshiiyey labo qodob, laakiin waxaa meesha ku qornaa lix qodob sidee ku dhacday?

Waxaa lagu heshiiyey oo kaliya arinta banaabaxa iyo tan saamiga musharixiinta ay ku yeelanayaan shirarka. Lugama heshiin goorta doorashada dhaceyso, gudiga doorashooyinka iyo qodobo kale oo aad muhiim ugu ah doorashooyinka.

Intaasi markii aad ogaatay ka dib.. waxaa is weydiin mudan: maxaa xigga kara heshiishka ka dib?

Waxaan aaminsanhay in heshiikaaskani uu siyaasiyiinta hordhigaayo in ay kala doortaan labo khiyaar oo mid seddexaad uusan ku jirin.

Khilaaf Cusub

Heshiiskii 17 Sep waxaa ka dambeeyey khilaaf, kii Baydhaba isna khilaaf ayaa xigay, sidaa darteed maxay nagu qancinayaan siyaasiyiinta si heshiiskan uu u noqdo mid ka duwan kuwii hore?

Ma rabo in aay niyad jab abuuro, hase yeeshee qofkii ogaa natiijada kuwii hore, waxa uu sii qiyaasi karaa natiijada heshiiskan.

Heshiis Cusub

Intiinii xasuusata markii CC Warsame uu hadlaayey habeenkii heshiiska waxa uu yiri ” waxaan ku heshiinay in horay loo socda”.

Madaama heshiiska Decale uu yahay qabyo, waxaa furan in heshiisyada horay u sii socdaan, lagana heshiiyo qodobo harsan, sida arinta Gedo, guddiga doorashada iyo goorta saxda ah ee la qabanaayo doorashooyinka.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...