Madaama Farmaajo uu iska fogeeyey wax heshiis ah oo lala kala Kenya, sida muuqata xaquuqda kulamada dhici doono iyo natiijadooda waxa ay u dhowrsantahay Rooble.
XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS
WARKA: Ka dib booqashadii wasiirka arimaha dibadda Kenya ay ku timid Muqdisho, waxaa soo baxay sida madaxda waqtigoodu dhammaaday gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra”iisal wasaaraha ugu kala qeyb sanyihiin xitaa siyaasadda arimaha dibadda.
DHAMAADKIISA: Marka meel la iska dhigo is-qabqabsiyada kale ee arintan la xariira, waxaa marag ma doonto ah in Kenya ay u muuqato “gacan sare” madaama ugu yaraan ay ku guuleysatay in ay kala qeybiso madaxda Df-ka.
Maxaa Looga Hadlaya?
Dhinaca Soomaaliya wasiirka arimaha dibadda oo hadlay waxa uu danta Soomaaliya ay ka leedahay wada hadalka Kenya oo dhan uu ku soo koobay “xiriir wanaajin”, laakiin Kenya waxa ay miiska la soo fadhiisan doontaa arintii badda oo muhiim u ah iyaga iyo khaadkii oo muhiimad kale u leh.
Sida Lagu qoray Webseetka Allafrica booqashada Kenya ayaa daarneyd in laga wada hadlo heshiis loogu yeeray isfahan (MoU) kaasi oo dhaxmaray sida la sheegay Dowladdii ku meel gaar aheyd ee Soomaaliya iyo Kenya sanadkii 2009.
Maxaa Sabab Ah?
Arinta xasaasiga ah ah ma ahan wada hadal dhax mara Kenya iyo Soomaaliya, arinta is weydiinta mudan waxa ay tahay maxaa loogu soo aadiyey waqtigan? sababtu maxay tahay?
Sida Daahir jeesow uu aaminsan yahay ujeedada ugu weyn ee Kenya ka leedahay wada hadalka waqtigan xasaasiga ah aya ah in ay ka faa’ideysato waqtigan nugul ee doorashooyinka.
Sidoo Kale Jeesow ayaa xusay in Kenya ay tartan kula jirto waqtiga, madaama isla sanadkan dhaxdiisa la sugaayo go’aanka maxkamadda ee dacwadda badda.
Maxaa La Filayaa?
Su’aasha ugu muhiimsan, uguna adag in laga jawaabo, uguna mudan in la is weydiiyo waqtigan ma ahan “maxaa la filayaa? su’aasha waxa ay tahay “Maxaa lagu falayaa heshiiskan?.
Marka la isku soo aruuriyo xogta la heli karo, madaama aysan jirin muhiimad Soomaaliya ay ka leedahay heshiiskan oo dhaafsiisan “xiriir soo celin” , ma jirto natiijo wanaagsan oo ay Soomaaliya ka fileyso dhaqaaqan diblomaasiyadeed.