Heshiiska Trump Oo Falastiin Gilgilay..Sidan Ayey Jawaabtu Noqotay

La Wadaag Asxaabtaada

Degaanada daanta galbeed ee Israa’iil gumeysato waxaa ka bilowday kacdoono shacbiyadeed kuwaasi oo ka dhan ah waxa loogu yeero “heshiiska qarniga” ee trump saxiixay.


Xaqiiqonews-Wararka dibadda

Dad badan oo reer falastiin ah ayaa ku dhawaaqay “shaqo joojin” , sidoo kale shirar kala duwan ayaa ka dhacay marinka Ghaza, si ugu yaraan loo baajiyo heshiiska Trump.

Sidoo Kale Aqri..Waa Kee Abu-Catta Ninka Israa’iil Duqeynta Ku dishay?

Wariyaasha,indheer garadka iyo dhamaan aqoonyahanada reer falastiin ayaa isku baheystay in la mideeyo codka si ay hal meel ugu soo wada horjeestaan heshiiskan.

Qaar ka mid ah dowladaha carabta ayaa u muuqda in ay taageereen heshiiska, arinkaasi oo Falastiiniyiinta ku qasbay in ay mideeyaan codkooda gudaha si looga hortago daadka “heshiiska qarniga”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada