Heshiiskii In Uu Fashilmay Xitaa Laguma Heshiinin!

La Wadaag Asxaabtaada

Xilli Shacabka Soomaaliyeed Ay sugayeen in maqlaan “nooc un oo heshiis ah” si horay loogu socda, ayaa dhanka kale waxaa soo baxay nooc cusub oo khilaaf ah, maanta waxa ay taagan tahay heshiiskii laftiisa in uu fashilmay ayaanan lagu heshiinin.


XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS

WARKA: Shirkii ugu dambeeyey ee Taandhada Afisyooni ayaa ku soo dhammaaday fashil ka dib markii dhinacyadu la yimaadeen nooc cusub oo khilaaf ah.

DHAMMAADKIISA: arinta ugu cajiibka badan waxa ay tahay in qof walbo uu hadlaayo, sida in dadka lala hadlaayo ay yihiin “wax ma garato” aanan ogeyn sida ay wax u socdaan.

Marka runta laga hadlo “heshiis” kuma imaanaayo in koox guuleysato kooxna ay fashilanto, heshiiska waxa uu imaan karaa markii aan gees iska dhigno caqliyadda xambaarsan “waan kaaa badiyey”.

Qofkii u fiirsada shirkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Afisyooni, lama yaabaayo in la heshiin waayey, laakiin waxaa wax lala yaabo ah xitaa in uu lagu heshiin waayey in uu heshiiska fashilmay.

Intaas Ka dib

Ka dib burburkii ku yimid shirarkii Dhuusa Mareeb, shirkii Baydhaba, shirkii Decale iyo shirkani ugu dambeeyey ee Afisyooni, intaasi oo dhan oo ka dib, waxaa soo baxeysaa su’aal caqli gal ah “ma loo baahan yahay shir kale oo la iskugu yimaado?

Jawaabta oo toosan waa “maya” hase yeeshee si dabdan hadii aan u jawaabno waxa aan dhihi karnaa “haa” waa loo baahan yahay shirar kale.

Sababta Ugu Weyn ee Shirarka U Fashilmaan Oo Ay Tahay Shirarka Kale In Laga Ilaaliyo.

I aamin Soomaalida waxa ay u baahan yihiin siyaasiyiin munaafqiin ah, meesha sartu ka qurunsantahay ma ahan in siyaasiyiinta aad u kala fikir duwan yihiin mid walbana uu rabo in tiisa la yeela- dabcan taasi oo dabeecad bani’aadam- dhibtu waxa ay ka taagan tahay in siyaasiyiinta shireysa aysan laheyn tab cusub oo ay ku meel mariyaan ahdaaftooda aan ka aheyn in ay qayaxan oo ay miiska u soo saaran.

Hadii ay sax tahay in dad ku duceysan karo “Ilaahow na waal”, waxaa ka saxnimo badan in siyaasiyiintu ku duceystaan “iaalhow munaafaqnimo i bar”, qofkii aan igu raacsaneyn in aan kalmaddan halkani u isticmaalo waxa aan leeyahay “igu qaado”, nifaaqa aan ka hadlayaaa ma ahan kii diinta waa kii siyaasadda.

Maqrib, Cishi iyo Subax Hadii Kor Loo Aqriyo, Duhur iyo Casir Waa La Sireystaa.

Siyaasiga aaminsan in codkiisa oo uu kor u qaado oo kaliya ay sax tahay, waxa aan leeyahay codka oo la sireystaana waa sax iyaduna.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada