Hey’ada Culimada Sacuudiya oo ka hadashay arinka Qudus “Marnaba Trump lama soo hadal qaadin”

-

hey’ada culimada sacuudiga ayaa soo saaray bayaan ku saabsan arinka qudus hase ahaatee marnba bayaankooda kuma xusin Magaca Trump iyo sida ay u argaan go,aankiisa.

culimada ayaa hadalkooda ku soo koobay karaamada uu leeyahay masjidka al-aqsaa iyo guud ahaan darajada ay magaalada qudus ku dhax leedahay muslimiinta, waxeyna yiraahdeen hadii la doonaayo in la xaliyo dhibaatada falastiin waa in makaankan(qudus) loo argaa mid ka mid ah shacaa’irta islaamka.

ugu danbeyntii culimada ayaa bayaankooda ku xusay in qudus ay tahay dhulka barakeysan oo qur,aanka lagu sheegay waxaa kale oo ay sheegeen in ay tahay qibaladii koowaad ee muslimiinta iyo halkii lga dheelmiyey Nabiga SCW.

hadaba dadweynaha isticmaala baraha bulshada ayaa si aad arinkaasi kaga falanqeeyey iyagoo hadaladaasi ku tilmaamay kuwa jiljileec muujinaya isla markaana muujiyey sida culimada ay u ixtiraamayaan go,aanka Trump iyagoo ka gaabsaday xita in ay sheegaan magaca Trump ama si cad kaga hadlaan go,aanka qudus waxeyse badalkeeda ku soo koobeen muhiimada magaalada qudus.

dadkii tacliiqiyey hadalkan ayaa sheegay in aan loo baahneen waqtigan in culimadan ay qoraalkooda u qoraan habkani jileeca badan ka muuqdo.

Wararka U Dambeeyey

Calaamado Soo Muuqan Kara Bil Ka Hor Wadno Xanuunka

Dr. Satir Zhijian, oo ah dhaqtar wadanaha ayaa tilmaamay in calool xanuunka iyo dhabar xanuunka ay noqon karaan calaamado...

Xarun Sayniska Iyo Tiknoolajiyadda U Gaar Ah Oo Muqdisho Lagu Dhagax Dhigay

Jaamacadda SIMAD oo caan ku aheyd aqoonta ganacsiga iyo xisaabaadka ayaa dhawaan daah furtay xarun cusub oo u gaar...

Xog..Jabuuti Oo Soo Bandhigtay Darooniska Bayrakhtaar TB2

Bandhig milatari oo Jabuuti ugu dabaal dageysay sanad guurradii 45aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen...

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...