Galbeedka Hindiya, abaar darran iyo kuleyl hanfi leh oo halkaasi ka jiray muddadii 3-dii bil ee ugu dambeysay darteed shimbirihii ayaa cirka ka soo dhacaya , sadaasha ayaana sheegeysa in kuleylka kor u sii kici doonto todobaadyada soo aadan.
XAQIIQO NEWS- LAYAABKA DUNIDA
Gobolka Gujaraat ee dhaca galbeedka Hindiya, waxaa laga soo sheegayaa in heer kulka uu kor u dhaafay 40 digrii selsiyas oo ah cabirka heerkulka, waxaana la filayaa in todobaadyada soo aadan uu gaaro 46 digrii.
Kooxaha badbaadinta shimbiraha ayaa u sheegay warbaahinta in ay kor u kacday boqolkiiba toban shimbiraha u baahan badbaadinta kuleylka dartiis.
Dhaqdhaqayaal ayaa isku xil qaamay soo aruurinta shimbiraha waxa ayna geeyaan isbitaal loogu tala galay halkaasi oo lagu siiyo gurmadka biyaha ee lagu siinaayo cirbado iyo kaniinayaal kale oo fitimiino ah.
Hindiya,Bakistaan iyo meelo badan oo ka tirsan koonfurta Aasiya, inta u dhaxeysa bilaha Maarso ilaa May waxa ay la kulmaan kuleyl darran, waxaana loo badinayaa in uu isbadalka cimilada ay tahay kuleylka saa’idka ah ee sanadkani ku dhuftay.