EX xildhibaan Maxmed Goodir oo Qoray warbixin”Hirshabelle ka mug weyn wax bac madow lagu qaato” arqiso sir badan

La Wadaag Asxaabtaada

Haddii aan dib u milicsano taariikhda Maamulka Hirshabeele wuxuu ku sameysmay awood, talada aysan gacanta ugu jirin dadka deegaanka ku nool ee waxaa sidii ay iyaga rabeen u maamulayey xukuumaddii iyo hogaankii talada dalkaasi haysatay xilligaas, iyadoo dhammaan soo xulista xildhibaanada maamulgoboleedka, doorashaddii Guddoomiyaha baarlamaanka & madaxweynaha Hirshabeele ku saleysnayd yaa idiin nugul oo awaamiirtiina fulinaya kana shaqeynaya sidii Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud dib loogu soo dooran lahaa kuna soo noqon lahaa talada dalka, taasoo markii la doortay madaxweynaha Hirshabeele ay ku beegnayd xilligii doorashada xildhibaanada baarlamaanka federalka soomaaliya, caalamka iyo soomaaliya oo dhan marqaati ay ka tahay musuqmaasuqii ka dhacay iyo ku takrifalkii awoodeed ee halkaasi ka jiray.
Waxaa ka mid ahaa wixii halkaasi ka dhacay:
1. In doorashadii xildhibaanada musharaxiinta qaarkood iyagoo albaabka hoolka taagan loo diiday inay galaan doorashada markii dambena la yiri wey maqan yihiin ama waa ay tanaasuuleen.
2. In doorshada oo ka socoto hoolka dhexdiisa markii natiijada ay u muuqatay inaysan rabitaankooda ku soo baxayn in nalalkii la dambiyo ergadiina la garaaco, markii bannaanka loo soo baxayna ay israsaaseyn ay ka bilaabatay halkaas oo muwaadiniin soomaaliyeed oo aan waxba galabsan ku dhaawacmaan.
3. In beelaha qaarkood laga dhaafo qoondadii haweenka halka beelaha qaarna iyagoo qoondadii haweenka buuxiyey in lagu amro wareegto madaxweyne Hirshabeele in kursi kale oo dheeri ah laga dhigo haween si musharixiinta ragga ah ee aan aragtidooda waafaqsaneyn loogaga hor istaago doorashada.
4. In kuraasta aqalka hoose qaarkood la geeyo aqalka sare si loo seejiyo musharaxiin mowqifkooda iyo fikirkooda siyaasadeed ay cadaayeen kuraastooda maadaama madaxweynaha ku takrifalayey magacaabista soo xulistii xubnaha aqalka sare u mataleyey Hirshabeele oo aysan jirinna cid uu la tashi kala sameeyey.
5. Waxaa ugu dambeysay xilligii ololaha doorasha madaxweynaha dowladda federalka in si bareer ah ugu amreen xildhibaanadadii federalka ee laga soo doortay Hirshabeele inay doortaan Mudane Xasan Sheekh Maxamuud taasoo sharciyan aan habooneyn iyo waxyaabo kale oo badan oo aan halkan lagu soo koobi kareyn.
Waxyaabahaasi aan kor ku soo sheegnay dhaxalkoodii wuxuu noday:
1. In madaxweynaha hirshabeele uu magacaabo gole wasiiro ah oo lagu muransanyahay isagoo aan cidna la tashan, golahaas oo muddo saddex jeer ah uu ka codsanayey baarlamaanka in loo kordhiyo waqtiga mana ahayn waxay filayeen shacabka reer Hirshabeele natiijadaasi soo baxday.
2. In madaxweynaha, guddoonka baarlamaanka, wasiirada, xildhibaanada intii talada Hirshabeele ay hayeen waqtigooda inta ugu badan ay ku qaateen Muqdisho taasoo mararka qaar shaki kaa galayo Muqdisho iyo Jowhar midda ah caasimadda Hirshabeele.
3. In marar badan madaxwynaha Hirshabeele heshiisyo caalami ah iyo kuwa maxali ahba uu galo, baarlamaan hirshabeelena uusan horgeynin cid ka warqabtana aysan jirin.
4. In shacabkii Hirshabeele ee sugaayey in marka dowlad goboleed loo dhiso ay ku naaloodaan horumar, maamul iyo kala dambeyn sida dowladgoboleedyada kale ay ku hungoobeen hamigoodii.
5. In laga soo bilaabo 17 oktoobar 2016 oo ah markii madaxweynaha hirshabeele la doortay oo hadda laga joogo muddo lix bilood aan si rasmi ah loo dhisin maamulka gobolada iyo degmooyinka Hirshabeele in shaqsiyaad si ku meel gaar loo magacaabo mooyee.
6. In deegaanadii Hirshabeele oo ay ku habsatay abaar iyo macluul halkii ay ka damqan lahaayeen una istaagi lahaayeen sidii dadkaasi loo samatabixin lahaa ayey ka doorbideen inay cambaareeyaan hay’adaha caalamiga ah iyo inay ku hanjabaan in xiriirka dowladda federalka u jarayaan iyagoo ku daboolayo qorsho xumidooda iyo wax qabad la’aantooda.
7. In lacagaha dowladgoboleedka ka soo gala dowladda federalka, beesha caalamka, dowladda imaaraadka , guddiga abaaraha iyo meelo kale oo badan ay ku dhacdo shaqsiyaad qaas ah gacantooda oo aysan jirin waxqabad iyo isla xisaabtan marka laga reebo hay’ado iyo shirkado deeqda iyaga si toos u gaarsiyaha meelaha qaar oo ay goobjoog ka noqdaan.
Waxaan dhihi karaa ma jirto badweyn meel biyo macaan leh marka la fiiryo Maamulka hirshabeele, waxaase xusid mudan madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele iyo labada gudoomiye gobol ee ku meel gaar ah Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe waxay wadaan dadaalo ay waajibaadkooda ku gudanayaan laakiinse aysan jirin meel ay ku dhamaaneyso.
Madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka, wasiirada, xildhibaanada Hirshabeele ee ku sugan magaalada muqdisho waxaan leeyahay HIRSHABEELE WAA KA MUG WEYN YAHAY WAX BAC MADOW LAGU QAATO oo majlis kasta lala fadhiisto ee ku noqda xaruntiina una shaqeeya dadkiina, la qeybsada marxaladan adag ay ku jiraan ee abaaraha, colaadaha iyo biyo la’aanta ku habsatay haddii kale waxaad noqon doontaan ninkii iyadoo abaar xun jirta ka tegay caruurtiisii iyo xaaskiisii ee naftiisa oo keliya ah u raadsaday meel uu ku barbaxo.
Talo isuma kaa sheegto
Qore : Maxamed Goodir
04/04/2017

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada