Hirshabeelle oo Go’aan lama filaan ah ka qaadatay Qorshaha DF ee…….

Madaxweynaha Maamulka Hiirshabeelle Cali C/llahi Cosoble ayaa shaaca ka qaaday iney guud ahaan iska diideen barnaamijka hormarinta ee ay wado dowladda Soomaaliya.

Isagoo ku sugan magaaladda Jowhar ayuu sheegay in qorshaha ay wadaan dowladda iyo maamul goboleedyada uu si weyn hoos ugu dhigayo xaquuqda maamulka Hiirshabeelle.

Madaxweyne Cosoble ayaa tilmaamay in maamulkiisa loo diiday iney sameystaan dekad ugaar ah, halka maamuladda kale loo ogolaaday.

“waxaanu go’aasanay in aanu diidno qorshaha qaranka waayo waa mid aan ka shaqeeneen danaha maamulka Hirshablle” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Hirshablle.

Go’aankan kasoo baxay maamulka Hiirshabeelle ayaa kusoo aadaya xili khilaaf meel sare gaaray uu dhex yaal dowladda dhexe iyo maamulka Hiirshabeelle

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA