Hishiiskii Taliban Ka Dib, Alshabaab Oo Ku Baaqay “Dagaal Nooc Kale ah”

La Wadaag Asxaabtaada

Ururka Alshabaab ayaa bayaan qoraal ah ka soo saaray duqeymaha Mareykanka ee ay fuliyaan diyaaradaha Drones-ka.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Kooxda ayaa bayaanka ku sheegtay in ay u tacsiyeynayaan dadkii shacabka ahaa ee duqeymaha ku dhintay.

Qoraalka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in duqeymaha 82.7% ay ka baxeen bartilmaameedka saxda ahaa, halka duqeymaha kooxda waxyeeleeyey lagu sheegay oo kaliya 17.3%.

Bayaanka dhexdiida ayey kooxdu ku baaqday dagaal nooc kale ah iyaga oo sheegay in dagaalka cusub uu qeyb ka noqon karo xitaa qof aan aaminsaneen mabda’a Al-shabaab.

Sidoo Kale Aqri..Qodobada Ugu Muhiimsan ee Hishiiska Taaliban Iyo Mareykanka

Sida lagu qoray Websaaytka Al-shabaab Somalimemo, Alshabaab ayaa ugu baaqay muslimiinta in ay dagaalamaan , iyagoo meesha ka saaray fikirka in qofka uu aaminsanaado fikirka kooxda.

Baaqa Cusub ee Xarakada ayaa ku beegmaya xilli magaalada Dooxa lagu soo af-meeray wax loogu yeeray “heshiis taarikh ah” kaasi oo dhax maray kooxda Taalibaan iyo Mareykanka.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada