Hogaamiyaha Jubbaland Muxuu U Awoodi Waayey Xitaa Oohinta?

La Wadaag Asxaabtaada

Tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Balad Xaawo, waxa aan gambar gaaban ugu fadhiyey hadalka koowaad ee ka soo bixi doono hogaamiyaha ku meel gaarka ah ee Jubbaland Axmed Madoobe, laakiin 72 saac wili wax war ah kama soo bixin.


XAQIIQO NEWS- FIKRDAHA

Ma ahan wax la fogeysan karo in taariikhda ay xasuus ka dhigto 25 Janaayo, maalintii Balad Xaawo, maadaama maalintaasi loo arki karo bilowga weerarkii lagu soo qaban lahaa hogaamiyaasha falaagada Jubbaland kama hadlaayo Janaan oo kaliya xitaa Axmed Madoobe.

Sidoo kale Aqri: Ma Daawateen Muuqaalkan Ku Saabsan Dagaalka Balad Xaawo?

Oohinta Adiga Oo Raba Ayaadan Ooyi Karin!

Aamusnaanta dheer ee rer Axmed Madoobe, waxa ay tilmaan cad ka bixineysaa culeyska uu lahaa khasaarihii kooxda ka soo wajahay isku daykii ay ku doonayeen in ay ku arbusheeyaan Balad Xaawo.

Madaxda Jubbaland waxa ay kari waayeen awoodda ugu yareyd ee laga filaayey taasi oo aheyd in ay muujiyaan dareenkooda ku saabsan wixii iyo sidii Balad Xaawo wax uga dhaceen.

Wili kama quusan, oo waxa aan sugayaa in ay ka hadlaan, balse waxa aan soo fadhiyaa halkan aniga oo afka miiqaya, waxaana is weydiinayaa: Hadii awood kale la waayey xitaa miyuu Madoobe awoodi waayey in uu ooyo ciidankiisa oo uu Df-ka eedeeyo.

Xaaladda Jubbaland ay hadda ku dhax jirto waxa ay isoo xasuusineysaa AUN Saado cali iyo Heestii erayadeeda ay ka mid ahaayeen:

  • Jid aan u baxaanan haynin
  • jahadii baa iga hallowday
  • haddaan kuu jeedin laayoon
  • Jabka kuu sheegi lahaa
  • awood baan jirin xageygoo
  • Afkii baa juuqda gabay
FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada