Hogaamiye Jarmalka Ka Tirsan oo Nabi Muxamed SCW u gafay3#faafaahin

-

Weerar cusub ayaa lagu qaaday Islaamka iyo Muslimiinta, waxaana gar wadeen ka ah hoogaamiyaal ka tirsan xisbiyada siyaasadeed ee xagjirnimada ee Jarmalka.

Hoggaamiyaha “Alternative for Germany” Bjorn Hwekd ayaa jeediyey hadal weerar ah ku ah Islaamka, isagoo dalbaday in muslimiinta laga mamnuuco jarmalka.

Hwekd ayaa sheegtay in haddii xisbigiisu uu awood yeesho,xukankana uu qabto, uu la dagaalami doono islaamka,waxa uuna arinkaasi ku tilmaami ah “lagama maarmaan”.

Siyaasigan reer Jarmal Bjorn Hocked ayaa ku sheegay hadal uu ka hor jeediyey taageerayaasha Xisbigiisa Sabtidii in haddii xisbigiisu uu awood u yeesho dalkiisa, waxa uu ballan-qaaday in uu mamnuucaayo diinta Islaamka Yurub oo dhan laga bilaabo bilawga qaaradda Yurub oo ka soo bilaabanaya Deegaanka Bosphorus ee magaalada Istanbul.

Waxa uu muslimiinta ku tilmaamay “dagaal oogayaal” isaga oo sheegay in Nabi Muxamad SCW uu ahaa “Dagaal ooge” sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu intaasi ku daray “Sidaa daraadeed waa in aan Islaamka u eegno, sidii halis adag oo na hor taagan”

Ugu dambeyntii Hogaamiyahan rer Jarmal ayaa sheegay in uusan cadow ku aheyn islaamka iyo muslimiinta balse uu arko in islaamka uusan Europe qeyb ka laheyn.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...