Hogaamiye Kooxeed Caan Ahaa Oo Ku Dhaawacmay Qaraxii Muqdisho

La Wadaag Asxaabtaada

Qarax ayaa ka dhacay bar koontorool oo laga ilaaliyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Waxaana Qaraxan Oo ay mas’uuliyadiisa Sheegteen Alshabaab ku wax yeeloobay dad badan oo isugu jira shacab iyo Askar.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Qaraxan oo ka dhacay meel si aad ah loo ilaaliyo ayaa imaaday ka dib markii todobaadkani dhaxdiisa la baahiyey in duqeyn diyaaradeed lagu dilay Sarkaal Sare oo ka tirsan Alshabaab una qaabilsanaa Amiyaatka.

Qarax oo loo isticmaalay baabuur Noha ah oo uu waday nin naftii hurre ah ayaa geeystay khasaaro badan.

Sidoo Kale Aqriso: Caddeymo-DNA-oo-sheegaya-in-hitler-uu-soomaali-ahaa!

Dadka uu khasaaruhu kasoo gaaray qaraxaas ee ka ag dhawaay goobta ayaa u badnaay dhalinyaro ku xamaala jirtay Mooto labo lugooleyda (FEKON) oo dadka ku geyn jiray  garoonka diyaaradaha, Askar, saraakiil ka tirsan Dowladda iyo dad doonayey in ay ka dhoofaan garoonka Aadan-Cadde oo la sheegay in ay u badnaayeen Xujey doonayey in ay soo gutaan acmaasha Xajka.

Saraakiisha Qaraxa ku dhaawcmay waxaa ka mid ahaa Sarkaal Dawaco oo ka tirsanaa hogaamiyaashii la shaqeyn jiray Yuusuf indha-Cade.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada