Hogaamyihii Ruuxiga Ee Masuq maasuqa Kenya Moi Oo Geeriyooday

La Wadaag Asxaabtaada

Macalin iskool hore islamarkaana soo noqday madaxweynihii ugu waqtiga dheeraa Kenya kaasi oo waddankaasi ku soo hogaamiyey qalalaaso dhaqaale ayaa geeriyooday isaga oo jira da’da 95 sano.


xaqiiqonews-Wararka dibadda

Dhimashada Daniel arap moi, waxaa iclaamiyey madaxweyne Uhuru Kenyata subaxnimadii hore ee talaadada.

Kenyataa ayaa amar ku bixiyey in hoos loo dhigo calanka Kenya ilaa laga gaaro galabnimada maalinta la aasayo Moi.

Marka laga soo tago in ninkani loogu yeeri jiray “dikteytor”, hase ahaate Mr Moi waxa uu taageero badan ku dhax lahaa shacabka Kenya tan iyo markii uu xakunka qabtay sanadkii 1978 oo aheyd markii uu dhintay Joma Kenyatta.

Daniel Moi Waxa uu soo xakumay Kenya muddo ku siman 24 sano, wararka ayaana sheegaya in bilihii ugu dambeeyey oo dhan uu ku xanuunsanaa Isbitaal ku yaalla Caasimadda Kenya.

Warbaahinta Dunida ayaa siyaabo kala duwan ugu hadashay geerida Moi, wargeyska Daily mail ayaana Arap Moi ku tilmaamay in uu yahay aabaha Masuq maasuqa.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada