Hooyo: Canugaada ha U diidin In uu kabo La,aan Socdo(Talo caafimaad)

La Wadaag Asxaabtaada

Dhakhtar Lafaha qaablisan oo lagu magacaabo Dietrich Börnemann ayaa gula taliyay in waalidiintu baraan cunuggooda inuu ku lugeeyo cagaha isaga oo aan sidan wax kabo ah.

Dhakhtarkan Jarmalka ah wuxuu sharxay in meelaha xiran, sida guriga, cunuga waa inuu bartaa inuu ku lugeeyo cagaha ama uu xirto sharaabaad(Sigsigaan) ka hortag ah.

Dhanka kale, Bournemann ayaa tilmaamay in muuqaalka calaamadaha cilladda cagta ee ilmaha aysan ku xirneyn kabaha kaliya maaddaama dhibaatooyinka cagaha ay yihiin dhaxaltooyo balse waaxaa uu xaqiijiyey in calaamadaha Ciladaha cagaha sida caga qalooca uu doorr weyn ka qaato ilmaha oo gabo xirisho bilaabo iyaga oo da, yar.

Dhaqatarkan ayaa kula taliyey Aabayaasha iyo hooyooyinka in caruurtooda ay ka warqabaan xaalada socodkooda ila da,da afarta sano ,isagoo intaasi raaaciyey in aabaha iyo hooyada ay tahay in ay tagaan dhaqtar hadii ay iskaga shakiyaan ciladaha cagaha ka hor inta aysan ilmo dhalin, waxaa uuna dhaqatarka sidoo kale ku dardaarmay in caruurta loo ogaalaado in ay dibada soo socdaan intii suurta gal ah.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada