Qeybo yar oo ka mid ah Soomaaliya Oo Ay ku jiraan Magoolooyinka Waaweyn ayaa hadda Laga isticmaala Adeegga Internetka, Balse Hormuud ayaa ku doodeysa in Adeeggani la balaarin doono.
Xaqiiqonews-Wararka
Sida lagu baahiyey qaar ka mid ah Website-yada Soomaalida, Shirkaddda Hormuud ayaa daah furtay adeegga Cusub ee 4G-oo ah interner-ka Jiilka Afaraad, Kaasi oo sida la sheegay dabooli doono baahid Isticmaalayaasha.
Alshabaab iyo Adeegga Cusub
Shirkadda Hormuud ayaa horay u bixin jirtay adeegga G, ka hor inta aysan Alshabaab Mamnuucin, hase yeeshee adeegga oo u muuqday mid sidii hore ka sii horumarsan ayaa ka socday Magaalooyinka waaaweyn.
Si Kastaba ha ahaate Hormuud ayaa baahisay in adeeggani cusub oo ah mid aad u taya sareeya(4G Lite) in laga isticmaali doono dhamaan gobolada dalka Soomaaliya.