Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga Turkigha ah ee Ziraat Katilim iyo bankiga Masar.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Dowladda Soomaaliya ayaa leesinka ganacsiga siiyey labo banki oo caalami ah kuwaasi oo faracyo ka furan doona Soomaaliya.
Gudoomiyaha bankiga dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Ducaale ayaa yiri “waxaan ku faraxsanhaya in la ogaaladay codsigii labada banki ee kala ah Ziraat Katilim iyo Bankiga Masar”.
Bayaanka ka soo baxay Bankiga dhexe ee lagu ogolaaday bankiyada caalamiga ah waxa uu ku soo aaday waqti madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu ku sugan yahay dalka Turkiga halkaasi oo lagu wado in uu kula kulmo dhiggiisa Raji Dayib Erdogan.
Tallaabadan cusub ee dowladda Soomaaliya qaaday ayaa fursad siineysaa ganacsatada gudaha oo heli doono xiriiro dibadda ah waxaa kale oo ay arintani cadaadis saari kartaa bankiyada maxalliga ah.
Shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo bixisa adeegga internetka ugu baalaran ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya islamarkaana leh bankiga maxalliga ah ee Saalama ayaa bilowday in ay xanibaad saarto webseetyada ugu waaweyn Turkiga sida webseetka trtworld iyaga oo dhaqaaqa cusub ee turkiga u arko handadaad.