Taliye cusub oo loo magacaabay Nabadsugida Gobolka Banaadir………………..

-

Nabadsugida Gobolka Banaadir Maxamed Xasan Faarax oo loo yaqaano Faranfar ayaa xil ka qaadis lagu sameeyay, iyadoo Taliye cusub loo magacaabo.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha cusub ee loo magacaabay Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa lagu magacaabaa Col. Saadaq Cumar Xasan oo ahaa Taliyihii Nabadsugida Galmudug.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Saadaq John inuu noqdo Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir.

Ninkan ayaa ayaa ku noolaa dalka Ingiriiska, waxaana la sheegaa inay saaxib yihiin Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka C/llaahi Sanbaloolshe oo lahaa soo jeedinta magacaabista.

Labada nin ee xilka Nabadsugida Gobolka Banaadir la isku bedelay ayaa horay waxay madax ka soo noqdeen Nabadsugida Gobolada Dhexe.

Is bedelada xileed ayaa wali halkeeda ka sii socota, waxaana muuqata in cid walba oo xil sare ama mid hoose heysa inay seefta xil ka qaadista aanay dhaafeyn.

 

Wararka U Dambeeyey

Cilmi Baaris..Dhimashada Ka Dib Ishu 5 Saac Ayey Wax Sii Arki Kartaa!

Baaris lagu sameeyey indhaha dad dhintay oo horay xubnahooda ugu deeqay in cilmi baaris lagu sameeyo ayaa waxaa lagu...

Waa Kan Cudurkii Uu U Dhintay Xaakimka Imaaraatka SH. Khalifa Bin Zaayed

Waxaa geeriyooday Madaxweyihii Imaaraatka carabta Shiikh Khalifa Bin Zayed Aala Nahyaan oo ahaa 73 jir, sida ay shaacisay Wakaaladda...

Mar Hadey Doorasho Tahay Qof Walba In Uu Soo Baxo Filo

Qof walbo waxa uu filayaa soo bixitaanka musharixiisa uu jecelyahay, balse waxaan la iska indha tiri karin mar hadii...

Ruushka Oo Sheegay In 30 Daqiiqo Kaliya U Baahanyahay Si Uu U Burburiyo Dowladaha NATO!

Maamulaha wakaaladda hawada sare u qaabilsan Ruushka ninka lagu magacaabo Dmitry Rogozin ayaa sheegay in dalkiisa u baahanyahay oo...

Doorashada 15-ka May..Maxaa Ugu Muhiimsan?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:15-ka bishan aynu ku jirno ee May, waxaa lagu wadaa in la qabto doorashada aadka...

3 Weedh La Dhibsado Oo Ay Tahay In Aad Iska Ilaaliso Marka Aad La Kulmeysa dadka

Waxaa kale oo loogu yeeri karaa "kalmadaha isticmaalka laga badiyey" ama erayo kale hadii aan ku sheegno "nahdii ayaa...