Dad badan oo isticmaala “Twitter-ka ” ayaa Dhaleeceeyey Xaflad hees iyo niiko ka dhacday Caasimadda Sacuudiga Riyadh.
Xaqiiqonews-Wararka Dibadda
Dad badan ayaa ka carooday Hashtaga sacuudiga ee ah “Waxaan diidnay kala sooca” kaasi oo soo baxay ka dib xaflad hees oo ay qabteen kooxda heesaha Mareykanka ee “The Black Eyed Peas”.
Waxaa qoob ka ciyaar is dhax gal ah sameeyey ragga iyo dumarka, iyadoo qof u hadlay kooxda Mareykanka uu ku qeyliyey ” Waa nicmo in aan halkan ka heesno, oo aan ku ciyaarno Sacuudiga” isagoo intaasi ku daray “Muusikada waa jaceyl, muusikada waa buundo aad ku fahmi karto ilbaxnimada umadaha kale”.
Dad careysan oo fikirkooda ka dhiibtay baraha bulshada ayaa sacuudiga u sheegay in ilbaxnimada aysan aheyn Niiko,waxeyna dadkaasi aad uga soo horejeysteen is badalka cusub ee ku yimid dhulka xarameynka.