Dowladda Mareykanka ayaa Midowga Afrika ku wargelisay in uu isku tashto iskana bixiyo dhaqaalaha ku baxa hawlgallada Nabadda iyo la dagaallanka Argagixisada ee Qaaradda Afrika.
Nikki Haley oo ah Danjiradda Mareykanka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in Afrika looga baahan yahay in ay la timaado qorshe cad oo ay kula wareegeyso maal gelinta hawlgallada Qaramada Midoobay ee ka socda Qaaradda Afrika.
Waxa ay sheegtay in Afrika marka hore laga doonayo in ay buuxiso meelaha banaan ee bixinta qarashaadka ku baxa hawlgallada kadibna toos ula wareegto bixinta qarashaadka ku baxa hawlgallada Afrika oo dhan.
5-ta Urur Goboleed ee Afrika ayaa sanadkii hore sameeyay Sanduuq Qaaraan bixineed oo uu Urur Goboleedkiiba sanadkii ku shubayo $65 Milyan oo Doollar si wax looga qabto gaabista Qaramada Midoobay ee dhanka bixinta qarashaadka,waxaan marka la gaaro 2020-ka la filayaa in la kordhiyo lacagahaas oo la gaarsiiyo $80 Milyan Urur Goboleedkiiba.
80% Lacagaha Qaramada Midoobay ee loogu tala galay hawlgallada caalamka waxaa ay ku baxaan kuwa ka socda Afrika waxaana ka mid ah Democratic Republic of Congo (DRC), Darfur,South Sudan, Mali Iyo Amisom Somalia.
Dhaqaalaha ugu badan Mareykanka wuxuu ku bixiya hawlgalada ka socda Afrika ee lagula dagaalamo Ururada Islaamiyiinta ah, iyadoo danaha Mareykanka ay tahay mid ku aadan awood badan inaysan yeelan kooxaha islaamiyiinta.
SHARE Facebook