Hot News:2007-2017 toban sano ka dib Abgaal Xagee ayeey Siyaasadda soomaaliya ka Joogaan

La Wadaag Asxaabtaada

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Ka dib guushii Midowga maxaakiimta islaamka ee hogaamiye kooxeedyada waxaa sara u kacay sumacadii beesha abgaal ay ku laheyd siyaasadda soomaaliya.
Shariif Sheikh Axmed Oo ka soo jeeda beesha AGoon-yare Abgaal ayaa noqoday hogaamiyhii maxkamadaha qeybtii jabuuti oo iyaga markii danbe ku milmay dowladdii Imbakaati.
Ka hor Doorashadi jabuuti Nuur cadde oo Ah abgaal ayaa ahaa R/wasaaraha soomaaliya ka dib markii xilka laga qaaday cali maxamed geedi.
Nuur cadde ayaa la yimid siyaasad furfuran taasi oo ka duwan tii cali maxamed Geedi waxaa uuna Nuur cadde Soo jitay Indhaha Dowladaha galbeedka Taasi Oo sahashay Markii Danbe In uu is casilo cabdulahi yuusuf Madaxweynihii xilkiaasi ka dib markii ay is qabteen Isaga iyo Nuur Cadde.
Waxaan Nuur cadde uu ahaa ninkii Soo nooleeyey Siyaasadii Abgaal.
Dhanka Kale Waxaa kala jabay Midowgii Maxaakiimta Iyadoo qeybtii jAbuuti U baxsatayna Uu hogaaminaaayey Shariif sheikh axmed .
Hadaba Markii la iskugu yimid Miiskii wdahadalka Dhanka dowladda waxaa ka socday nuur Cadde Halka dhanka Maxaakiimta UU k Socday Shariif waxaa xusid Mudan In labaduba ay ka soo jeedaan abgaal.
Ka dib wada hadalo in muddo ah socday waxaa shariif loo doortay madaxweynaha dowladii faderaalka kumeel gaarka aheyd taasi oo beesha abgaal fursad u siisay in ay noqdaan dad miisan ku leh siyaasadda soomaaliya.
Ka dib Markii Uu dhamaaday waqtiga Dowladii shariif waxaa dalka lagu qabtay doorasho hase ahaatee miisaanka beesha agbaal ayaa aha mid wali muuqdo tusaale marka aad eegto wareegii ugu danbeeyey ee doorashadii 2012-ka waxaa isku soo haray Afar musharax oo kale ah
Candiweli gaas oo Majeerteen ah, shariif sheikh axmed,xasan sheikh maxamuud iyo Cabdulqadir cosoble oo seddexdaba ka soo jeeda abgaal taasi oo sahashay in si dhib yar xasan sheikh loo doorto in uu noqdo madaxweynaha soomaaliya balse Afara sano ka dib xasan sheikh ayaa ka dagay xilka iyadoo ay hoos u dhacday gabi ahaanba sumacadii beesha abgaal ay ku dhax lahaayeen golaha shacabka waxaana sii bareer ah ay xildhibaanada golaha shacabka codkoodu ugu shubeen nin aan abgaal aheyn markii ugu horreysay Muddo 10 sano ka dib ah.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada