Hot news:Wasiirka Warfaafinta Eng yariisow oo fashiliyey cidda ku qasabtay farmaajo in uu dagaal iclaamiyo

-

[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaciyay ciddii ka danbeysay in madaxweynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqo xaalad dagaal.
Sida uu maanta qoray Wargeyska Guardian  ee dalka Ingiriiska, ku dhawaaqista xaaladda dagaal ee  madaxweyne Farmaajo si lama filaan ugu dhawaqay  6-dii April ee sanadkan  ay  ka danbeysay kadib wadahadal dhex maray Mareykanka iyo Soomaaliya.
Go’aanka ku dhawaaqista xaaladda dagaal ee ka dhanka ah Alshabaab ayaa la qaatay kadib wadahadal dhex maray labada dowladooda. “Waxa jiray xiriiro dhow oo labada dowladood ay leeyihiin, madaxweynaheena ayaana ku dhawaaqay xaalad dagaal” ayaa laga soo xigtay wasiirka Warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Cumar Yariisow.
Go’aanka uu ku dhawaaqay Madaxweyne Farmaajo ee dagaalka Alshabaab ayaa ka danbeeyay markii madaxweynaha Mareykanka uu Soomaaliya u aqoonsaday  AAG DAGAAL, isla markaana fududeeyay xayiraaddii ciidamada Mareykanka ka saarneyd inay howlgallo culus ka geystaan Soomaaliya.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...