Howlgal Muqdisho Ka socday Oo qaab Qabiil isku Badalay Iyo Farmaajo oo Lagu eedeeyey in uu Hawiye hub ka dhigaayo

-

Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamadii ugu badnaa xalay soo dhoobtay degmooyinka Hodan,Wadajir iyo Dharkeynley kuwaas oo wata gawaarida dagaalka.

Ciidamadan ayaa lagu arkay Isgoyska KM4, Danwadaagta, Korontada ilaa iyo Xoosh, waxeyna gawaaridooda Ciidanka ku gooyeen isgoysyada ay ku sugaanyeen.

Ciidamadan ayaa isugu jiray Nabad Sugid iyo tiro yar oo Boolis ah, waxeyna qeyb ka ahaayeen howlgalka dowladda ay ugu magac dartay xasilinta Caasimada ee Muqdisho ka socda.

Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo intooda ugu badan ka soo jeeda beesha Hawiye ayaa Xalay iska diiday iney qeyb ka noqdaan howlgalka Muqdisho ka socda, iyagoona sheegay ineysan ka sii mid ahaaneynin dadaalada Dowladda ay ku dooneyso iney hubka uga uruuriso Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo masuuliyiinta horay xilalka usoo qabtay sida ay hadalka u dhigeen.

Saraakiil kamid ah Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda ay ka weecisay hadafkii laga lahaa howlgalka Xasilinta Caasimada ee ahaa in Shabaab laga saaro Muqdisho, lana waayo dilal ka dhaca Caasimada.

Milatariga Soomaaliya ayaa ku doodaya ineysan xiligan suura gal eheyn in masuuliyiintii dowladda xilalka usoo qabtay iyo kuwa hada hayaba Hubka laga uruuriyo iyadoo Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay Muqdisho ku dhex hubeysanyihiin.

Ujeedka ka danbeysa Ciidankii Xalay la soo dhoobay Degmooyinka qaar ee Muqdisho ayaa ahaa sidii weerar loogu qaadi lahaa Gudoomiyihii Hore ee Degmada Wadajir Axmed Xasan Cadoow Daaci oo hub fara badan Wadajir ku heysta.

Siyaasiyiinta qaar ayaa ku doodaya in Dowladda fashil ka soo wajaheyso qorshaha ay haatan wado, maadaama ay mucaarado kala hor iman doonaan dadka ay hubka dhigista ku sameyneyso.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...