“I Dhaaf Uur Ayaan Leeyahay” Ka Dib 5 Xabad Ayuu Madaxa Kaga Dhuftay!

-

Baraha Bulshada ayaa waxaa lagu faafiyey Muuqaal Aad Cabsi badan abuuray gudaha Mareykanka.

Xaqiiqonews-Muuqaal

Xilli haweeneyda ay dalbaneysa in la dhaafo iyadoo sheegtay in ay uur leedahay ayaa sarkaal Booliska Texas ka tirsan uu rasaas oodda kaga qaaday.

Gabadha lagu xadgudbay ayaa la sheegay in lagu magacaabo Amila Turner oo 44 sano jir ah , asal ahaanna ka soo jeedda Afrika.

Muuqaalka waxaa lagu arki karaa nin ka soo dagaya baabuurka islamarkaana dood la galaya haweeneyda, ka dib dhulka ayuu ku ridayaa ,dabadeena waxaa la maqlayaa codka rasaasta, xilligaasi oo haweeneyda ay ku qeylineysay “Uur ayan leeyahay.

Arinta sida gaarka ah in loo eego u baahan waa marmarsiiyada ay sameeyeen booliska oo sheegay in ninka dambiilaha uu ka mid ahaa saraakiisha ugu tababatka fiican, dhacdadana ay aheyd mid uu ka qasbanaa in uu sidaa yeelo.

Dhankeed gabar la dhalatay haweeneyda la dilay ayaa sheegtay in ninka dilka geystay iyo walaasheed ay deris ahaayeen, waxa ayna tiri had iyo jeer ayuu dhibi jiray iyadana waa ay ka didi jirtay dhacdadana waxa ay aheyd aargoosi.

Dhacadadan ayaa ka mid ah dhibaatooyinka ay la kulmayaan dadweynaha Mareykanka ah ee ka soo jeeda Afrika iyo kuwa Midibka Leh.

Warbixinada qaar ayaa sheegaya in dadka lagu dila gudaha Mareykanka sanad walba ay gaarayaan 1000-14000, dadkaasi oo ku baxa gacanta booliska.

Dadka Ka soo jeeda Afrika ee ka tirsan Shacbka Mareykanka waxaa lagu sheega 13%, balse tirada dilka waxa ay ka yihiin 27%.

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...