Ibnu Salmaan”Xiligii Nabiga Ragga iyo Dumarka wey is dhaxgali Jireen Heesahana Caadi..”

DHaxal Sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed ibnu salmaan ayaa sheegay hadal yaab leh oo dad badan dhagafaar ku riday ka dib markii uu yiri”xiligii Nabiga waxaa jiray Masyoraxyo heesaha laga qaado” isagoo intaasi raaciyey in ragga iyo dumarka ay is dhaxgal sameyn jireen.

Dhaxal sugaha ayaa warkani sheegay xilli uu wareysi siinaayey wargeyska New york times iyadoo wareysikana uu qaaday wariyaha caanka ah ee Thomas Friedman waxa uuna dhaxal sugaha si aan ka leexasho aheyn uu u sheegay in xiligii Nabi Muxamed heesaha ay caadi ahaayeen isdhax galkana uu ahaa mid caadi ah waxaa uuna sidoo kale ku dooday in ixtiraamka loo haayey yahuuda uu ahaa mid fiican gudaha Jaziirada carabta.

Freidman oo hadalka furay ayaa ku bilaabay sidan” waxa uu u muuqdaa maxamed Ibnu salmaan-kaasi oo bartay qanuunka-in uu doonaaya in uu soo celiyo islaamka dhexdhexaadka ah arintiisana kuma ega meelo gaar ah xitaa waxaan aragnaa dumarkii loo diiday in jirkooda meel ka mid ah feydaan in uu u ogaaladay in baabuur wadaan”

freidman ayaa intaasi raaciyey”Wuxuu igu yiri maxamed Ibnu salmaan waxaana durbaba u ogaalanay dumarka in ay ka qeyb galaan xafladaha heesaha,tartamada ciyaaraha iyo daawashada kubadda cagta”

Freidman oo la dhacsan is badalka ku yimid sacuudiga shakina gelinaya Hadii sacduudiga ay u ogalaan doonaan in dumarkooda ay helaan xoriyada ay heystaan dumarka reer galbeed-sida uu hadalka u dhigaye- ayaa yiri”Ibnu salmaan iyo saaxibadiisa uma fudada in ay dhaqan geliyaan dhaqamada qaar balse talaabooyinka kowaad waxey u muuqdaan kuwa dhaqan galay waxaana u hogaansamay culimada.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA