Laba qof oo naftood horayaal ah oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraray Hotel lagu magacaabo Peace oo ay dagan yihiin diblumaasiyiinta reergalbeedka iyo madax katirsan Dowladda Federaalka.
Weeraradan oo ahaa kuwo mataana ah ayaa midka koowaad waxaa lagu dhuftay bar koontarool oo ay joogeen Ciidamada Nabad sugidda, kaas oo wadaha qaraxii labaad u fududeeyey in uu gaaro Hotelka.
Qofka labaad ayaa isna gaariga ku dhuftay Hotelka Peace oo ahaa hadafka asalka ah hlakaas oo ay shababka ku tuhmayeen in ay joogeen saraakiisha AMISOM iyo shaqaale katirsan Q.Midoobe.
Hotelka ayaa ka soo horjeeda Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, Wuxuuna sidoo kale aad ugu dhow yahay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Ragga Fuliyay Weeraradaas waxaa ka mid ahaa Maxamed Abuukar M. Calasoow oo sidoo kale loo yaqaano (Ahlu Sufa).
Ahlu Sufa wuxuu ka dhashay beelweynta Abgaal gaar ahaan Jufada Daa’uud.
Mudadii uu shababka ka tirsanaa wuxuu ka soo shaqeeyey majaalka dacwada iyo Maktabka Jayshka Xarakada Al-Shabaab.
Ka hor inta uusan howlgalka u dhaqaaqin, Ayuu waxaa uu duubay dhambaal waxaana uu wareysi dheer oo uu siiyey Idaacadda alshabab ee Andalus kaga waramay dareenkiisa ku aadan howlgalka uu ku sii wajahan yahay iyo fariinta uu kaga tagayo dadka isku shqada
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]