Idaacadda Al-shabaab ee Andulus ayaa faafaahin ka bixisay weerarka ay saakay kooxda ku qaadeen xarunta Xalane iyo garoonka diyaaradaha.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Waxaa wili muddo saacadaha socda weerar koox ka tirsan Al-shabaab ay barqanimadii saakay ku qaadeen xerada Xalane.
Afhayeen u hadlay booliska Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen labo qof oo hubeysan islamarkaana ay gudaha u galeen xero u dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Afhayeenka ayaa carrabka ku adkeeyey in howgalka laga hortagay isaga oo sheegay in ay baarayaan khasaaraha.
Dhanka kale idaacadda Andulus oo ku hadasha afka Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarka uu ku bilowday ‘QAAB XEELADEYSAN” oo ciidankooda laga war helay oo kaliya markii ay gudaha rasaasta ka bilaabeen hase ahaate ma aysan carrab dhabin nooca xeeladdda.
Idaacadda ayaa sheegtay in ciidankooda toogteen saraakiil shisheeye, islamarkaana wili howlgal toogasho ah ay wadaan.
Marka laga soo tago sheekashooyinka kala duwan, waxaa adag in la helo xog madax banaan oo ku saabsan dhacdada, goobta weerarka lagu qaaday oo xasaasi ah darteed.
Weerarka oo dhacay barqanimadii arbacada, ayey koox ka tirsan Al-shabaab gudaha u galeen garoonka diyaaradaha oo ay ku dhax yaallaan xeryo iyo saldhigyo ay daganyihiin safaaradaha, hay’daha QM iyo qandaraaslayaal kale oo caalami ah.