Bil ka dib markii uu maamulka la wareegay madaxweynaha Mareekanka Donald Trump ayaa xubnnaha Xisbiga Jamhuuriga ee ka tirsan aqalka Congress-ka waxa ay u b badaleen VOA-da(oo aheyd Mid ku hadasha Codka Dowladdda) Mid ku hadasha Codka maamulka Trump.
Maalmo ka dib doorashiida Trump ayaa istuudiyaha VOA waxa uu u diray labo shaqsi oo lagu kala magacaabo Matthew Ciepielowski iyo Matthew Schuck si ay labadaasi nin u maamulaan wararka iyo warbixnada ay si tabineyso VOA-da arintaasi oo ka dhigeysa idaacadani oo 236 million oo qof la hadasha todobaadka kasta iyadoo isticmaaleysa Radio iyo TV in ay noqoto idaacad u af-duuban maamulka Trump.
“Shegyga kaliya ee VOA-da ugu muhiimsan ayaa waxa uu ahaa In ay buun buunisa mareeykanka” sidaasi waxaa yiri Frank Sesno, oo ah maamulaha kuliyadda Warnaahinta ee jaamacadda George Washington , isagoo sii raaciyey” hadii maamulka Trump uu afduubaya Voa-da si ay u tabiso Warar beena ah taasi waa dhibaato weyn.
Voa-da ayaa la aasaasay 75 sano ka hor iyadoo loogu tala talagalay in ay noqoto warbaahin mareeykanka uu u isticmaali jiray Wararka propoganda-da ah intii lagu guda jiray dagaalkii labaad ee dunida, iyo dagaalkii qabowaa ka hor inta aysan isku badalin idaacadani Warbaaahin ku hadasha codka dowladda mareeykanka iyadoo Si weyn u buunbuunisa mareeykanka