Iiraan Oo Lahjad Adag Kula Hadashay Mareykanka “Dantaada Ma Taqaanid”

La Wadaag Asxaabtaada

Ciidamada Difaaca Kacaanka Islaamiga ee Iiraan ayaa soo riday Diyaarad drone ah oo nooceedu yahay “Global Hawk ” oo ka mid ah Qalabka basaaska Mareykanka.

Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Ma ahan Markii ugu horeysay ee Iiraan ay soo rido Diyaarad Drone ah, sanadkii 2011 Iiraan Ayaa soo riday diyaarada jaasuus oo Mareykanka uu lahaa.

Diyaaraddan la soo riday ayaa gashay xaduuda Iiraan ee gobolka
Hormozgan ee dhaca Koonfurta Iiraan.

Aqriso:Maxey KA Dhigantahay Labo Drones Oo Ku Burburay Somalia Todabaad Kaliya

Waa Tuma Drone-ta “Global Hawk ” ?

Diyaaradda Global Hawk ” waxa ay ka mid tahay diyaaradaha ugu horumarsan ee Mareykana u isticmaala basaaska,waxaana sameysa shirkadda diyaaradaha drons-ka sameysa ee Northrop Grumman Corporation, waxa ay hawada ku jiri kartaa 32 saac oo xariir ah shidaal la’aan, waxa ayna ku kacdaa qarash dhan 200 Milyan oo doolarka Mareykanka.

Diyaaraddan ayaa waxa ay awood u leedahay in ay basaato deegaan dhan 100 kun oo KM isku wareega ah hal maalin gudaheed, waxa ayna sawirada ku diri kartaa xawaare aad u sareeya

Si kastaba, marka la fiiriyo Xaaladda adag ee gobolka Maraayo waxaa loo badin lahaa hadii dowlad kale ay ahaan laheyd in aysan qaadan laheyn go’aan u adag sida kan Iiraan, oo si fudud hoosta uga xariiqatay in ay dhulka soo dhigto diyaarad qarash badan kaga fadhisa mid ka mid ah dalalka aduunka uga quwad weyn.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada