Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

-

Waxaan ku jirnaa maalmaha “Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas haddana waxaan jeclahay in qof walbo qoraalkani aqrinaya aan u sheego in aan aniga aheyn: Suufi ama salafi toona, ma ihi sunni ama shiici..waana tan sababta


XAQIIQO NEWS- FIKRADAHA

In aan dhasho sagaashameeyadii (qiyaastii 1994-1995), waxa ay ii aheyd “nasiib wanaagsan” oo aysan helin caruurtii dhalatay wixii ka dambeeyey 2000. In ay i dhalaan hooyo iyo aabo aan heysan daqriiqo ama koox gaar ah fikirkooda waxa ay ii aheyd “nasiib kale”.

Xalqadaha canbuulada iyo digriga ee Suufida waxa ay ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee aan ku indho dilaacsaday, runtii aad ayaan u jelcaa mowliidka iyo waqtiyada ducooyinka.Waana iiga xiiso badneyd waqtigii dambe aan noqday kaligii islaam.

Yaana idin soo kala dhaafine; waayaheygii ciyaal suufinimada waxaa nala baray in aan ka cararno hadii aan aragno naag xijaaban oo dhar waaweyn waxaana ka daba qaadi jirnay dumarka noocaasi ah ee waagaasi fara ku tiriska ahaa “akhwaanu muslimiin arooskooda eeyaa la qalaa”.

Si gaar ah hooyadeey waxay ii sheegtay in naagahaasi dharka weyn ay caruurta xambaartaan oo ay kiliyaha kala baxaan. xasuusnow wagaasi waxaa jirtay in dadka is qarin raba (rag iyo dumarba) ay dhar waaweyn isku soo qarin jireen.

Markii dambe ee Gardheerayaasha soo baxeen, waxaan ka mid ah caruurtii ku qanacday afkaartooda waxayna waagaasi igula muuqdeen kuwa ka ilbaxsan Suufida.

Gardheerayaasha Waa ay ka hanti badnaayeen Suufida, haddana waxaa yaraa ducooyinkooda iyo alla baraykooda waxaana gabi ahaanba meesha ka baxay masaajidkii aan wax ka cuni jirnay.

Waxa ay i bareen dhaqamo badan oo aan horay u aqoon sida “Gaaleysiinta”, in aan had iyo jeer ka doodno diimaha dadka kale iyo in aan diinta qofka ku qiimeeyo muuqaalkiisa kore sida: garka, dharka iwm.

Markii Gardheerayaasha soo baxeen waxaa kor u kacay eray bixino badan oo ay ka mid ahaayeen “Bidco”, “Shirki”, “Jihaad”, “Gaalo” “Dil” iyo magacyo kale oo cabsi cabsi ah.

Ugu dambeyn, baaritaan dheer ka dib waxaan joojiyey in aan nafteyda u tixgeliyo koox ama firqo gaar ah xitaa waxaan joojiyey in aan isku magacaabo sunni ama shiica kaliya waxaan ku u ekaaday muslim.

Fikirkeyga Cusub

Si daacadnimo hadaan u hadlo, ma aaminsani in aan hadda ku taaganahay fikirkii saxda ahaa laakiinse waxaan soo galay safar dheer oo cilmi baaris ah, oo hadda waxaan diyaar u sii ahay in aan wax badan barto iskana saxo meelaha aan ku qaldanahay.

Waxaa kale oo aan aaminsanahay in aysan jirin wax ku jaban qofka in uu noqdo Suufi, Salafi iwm hadii laga helo qodobkan.

  1. In uusan isku heysan qofka ugu saxsan adduunka, diyaarna u yahay in uu barto wixii ka maqan: hase ahaatee dariiqooyinka iyo kooxaha kala duwan intooda badan marnaba qofka uma ogolaanayaan in uu xajisto mid ka mid ah waxyaabaha ugu qaalisan noolasha aadanaha oo ah “xornimada fikirka”.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...