Waxa ay noqotay naxdin iyo amagaag isla socda, markii Telefishinka DF-ka uu baahiyey geerida Ikraan, arintaasi oo baraha bulshada ka abuurtay hadal heyn badan.
XXAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Ikraan Tahliil ayaa bishii Juuub 26-keeda, laga afduubtay gurigeeda oo ku yaalla goob aad loo ilaaliyo oo u dhaw xarunta sirdoonka.
Muddo dhan 2 bilood iyo maalmo oo Ikraan la la’aa, ugu dambeyntii Tv-ga dowladda ayaa baahiyey keerida Ikraan iyaga oo sheegay in Ikraan ay dileen Al-Shabaab.
Qaabka Telefishinka uu u baahiyey geerida Ikraan waxaa ka dhalanaya su’aalo akhlaaqeed, taasi oo aan sawir xun ka bixineysa nidaamka iyo anshaxa Dowladda
Hadii Al-shabaab Ay Dileen Maxay U Sheegan Waayeen?
Warbaahinta Dowladda Al-shabaab miyey u hadlaan?
Marka la fiiriyo qaabka dhacdada loo tabiyey, waxaa la saadaalin karaa in Ikraan horay loo dilay, balse maanta la baahiyey, ama in Ikraan ay nooshahay oo la doonaayo in la dilo, taasi oo ka dhigan in Ikraan ay dhimatay laba mar marka la baahiyey iyo marka la dilay/dili doono.