ILa Qosol: sheeko qosol leh oo dhexmartay madaxweyne Obama iyo ra,iisal wasaarahii jabbaanka Yoshi Morri.

La Wadaag Asxaabtaada

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Jabbaan Yoshi Morri ayaa wuxuu qorsheynayey kulan uu la lahaa madaxweyihii hore ee Maraykanka Brack obama

Madaama uusan luqadda Ingiriiska ku fiicneyn Ra’isul Wasaaruhu ayaa waxay tarjumaanaadiisa u sheegeen in uu hadalku kubilaabo “How are you?” oo la macno ah “Sidee tahay?”,Obama uu ku jawabi doona “I am Fine” oo ah “Waan fiicanahay”, dabadeedna wuxuu raacin doonaa “And You?” oo ah “Adiguna?” kolkaas waxaad ku jawaabtaa “Me too” oo ah “Aniguna sidoo kale”. Intaa wixii ka dambeeya howsha anagaa sii wadi doona ayey tarjumaanadiisii ku yiraahdeen Ra’isul wasaare Yoshi Morri.

Mar alla markii ay kulmeen Ra’isul Wasaarahii iyo Brack obama
oo ay markaa la socotay xaaskiisa Michelle(misheel) ayaa waxaa uu Ra’isul Wasaaruhu si khalad ah u yiri “Who are you?” oo macnaheedu uu yahay “Kumaa tahay” balse uu ula jeeday “How are you?”, Obama oo yaaban , dhinacyadana fiir fiirinaya xaaskiisuna ay garab taagan tahay ayaa isagoo kaftamaya ku jawaabay “I am Micelles’s husband” oo ah “waxaan ahay odaygii Michelle (ninkeeda)” wuxuuse u raaciyey “And you?”, Ra’isul Wasaaraha oo sugayey ereygaas dambe ayaa ku jawaabay “Me too” oo la micno ahayd “anigana sidoo kale”, jawaabtan dambe waxay si aad uga yaabisay Brack Obama oo u fahmay in uu ra’isul wasaraha leeyahay “anigana waxaan ahay odagyii Qabay michelle !!”.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada