Ilaalada Axmed Madoobe Oo Salaatul Khowf Ku Tukanaya Dhuusamareeb

La Wadaag Asxaabtaada

Waxaa baraha bulshada lagu baahiyey muuqaalka askar ka tirsan ilaalada gaarka ah ee Axmed Madoobe, oo ku tukanaya Dhuusamareeb, halkaasi oo maalintii labaad uu shir uga soconayo madaxda maamul goboleedyada dalka.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Shirka Dhuusamareeb oo galay maalinkiisii labaad ayaa hogaamiyaasha maamul goboleedyada waxa ay kaga doodayaan doorashooyinka iyo marxaladaha kala guurka ah.

Sawir gaar ah oo lagu baahiyey facebook ayaa waxaa lagu sheegay in hogaamiyaasha shanta ah ay shir alabaada u xiranyihiin xalay saq dhexe ku yeesheen Dhuusamareeb.

Sidoo Kale Aqri..Suuragal Miyaa In Shirka Dhuusamareeb Laga Soo Qabto Axmed Madoobe?

Hogaamiyaasha maamul goboleedyada oo ku shiraaya Dhuusamareeb

Dhanka kale dad isticmaala baraha bulshada ayaa baahiyey muuqaalka asakar ka tirsan ilaalada Axmed Madoobe kuwaasi oo salaad tukanaya.

Qaar ka mid ah dadkii muuqaalka daawaday ayaa sawirka ku sifeeyey “igu sawir” halka kuwa kalane ay ku micneeyeen “salaatul khowf”(waa salaad sunno ah oo la tukada marka la cabsanaayo).

Ilaalada Axmed Madoobe oo salaad ku dukanaya Dhuusamareeb
FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada