Ilbaxnimada Qabiilka!

La Wadaag Asxaabtaada

Qabiilka waa shaydaan il-cad, mana jirto cid naga mid ah oo xiiso gaar ah u qabto, laakiin qof kasta oo naga mid ah waxa uu ka tirsan yahay qabiil, arinta ugu xun waxa ay tahay marka magaca qabiilka aan u isticmaalno in aan isku nacno,yasno, dilno islamarkaana aan isku fogeyno.


Xaqiiqonews-

Halkani uma joogo in aan mindi dalqada kaa geliyo oo aan ku dhaho qabiilka waa waanagsanyahay, waxaanse rabaa in aan dhinac kale ka firiyo Qabiilka iyo qabyaaladda.

Jonathan Haidt, oo ah khabiir ka takhasusay Cilmi Nafisga waxa uu aaminsanyahay in Waddaniyada, Qabiilka iyo qofka oo ka tirsanaada koox gaar ah in ay yeelan karto dhinacyo wanaagsan.

“Waxaa wanaagsanaan laheyd in aan aaminsanahay in ban’aadamka oo dhan loo nashqadeeyey in ay is jecladaan shuruud la’aan” ayuu qoray Jonathan Haidt.

Qabiilku Waa Daawo Oo Kale!

Kimistiriga Qabiilka waxa uu u dhaqmaa sida daawada oo kale, qofka marka uu isticmaala daawo xad ka bax ah, waxa uu galaa xaalad caafimad darro, waa waxa ay dhaqaatiirtu ugu yeeraan “daraag abiyuus ‘Drug Abuse”, qabiilkuna isla qaacidaasi ayuu qaataaa.

Marka si hufan loo hadlo, mushkiladda Soomaaliya ma ahan “qabiilka”, shakina kuma jira in waddanka uu dhibbane u noqday wax loogu yeeri karo “Qabiileysi xad dhaaf ah ‘Tribe abuse” , wayna adagtahay in la helo xal dag dag ah.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada