Imaamkii Xaramka Oo Ka Laabtay Fikradii Gaaleysiinta “Shiicada”

La Wadaag Asxaabtaada

Caadil Al-kalbaani oo ah imaamkii hore ee Kacbada,  ayaa dhawaan ka laabtay fikriddiisii hore ee gaaleysiinta madhabka “Shiicada”

Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Al-kalbaani oo laga wareysanaayey MBC ayaa yiri “xaqiiqdu waxa waaye in aan gaaleysiin jiray culimada shiicada ilaa waqti dhaw, ka dibna waxa aan aqriyey kitaab uu qoray al-shariif xaatim al cowni oo ku saabsanaa “Gaaleysiinta muslimiinta” waxaan eeg eegay waxyaabaha uu soo daliishaday”

Isagoo intaasi sii raaciyey “haa, mar dambe ma gaaleysiin doono qof qiraya towxiidka, oo cunaya wixii aan gowracno, tani waa diiinta aan maanta raacayo, walaahi qof igu qasbay ma jiro, arinta si kale yaan loo dhigin”

Al-kalbaani ayaa dhanka kalle ka hadlay dooda ku saabsan safarka dumarka ee “Maxram la,aanta” isagoo muujiyey habacsanaan iyo jileec badan, taasi oo ka duwan sida looga bartay culimada Sacuudiga.

Al-kalbaani waxaa uu sheegay “sheikhii aniga waxa isoo baray sheikh Jabriin AUN waxa uu safar ku tilmaami jiray socdaalka dhan habeen iyo maalin,  sidaa darteed safar laguma tilmaami karo Socdaalka inta u dhaxeysa Jidda iyo Tabuuk,  oo qaadanay wax ka yar laba saacadood, xitaa Masar waxaa lagu tagi karaa saacado, Mareykanka oo kale socdaalka waxa uu qaadanayaa 12 saac, sidaa darteed socdaaladaasi oo dhan laguma tilmaami karo safar loomana baahno “Maxram”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada