[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’rectangle’]
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa si kal iyo laab ah jaceyl indho la,aan ah u muujisay Dowladda iyo Shacabka Isutaga Imaaraadka Carabta (UAE) .
jaceylka dowladda soomaaliya ayaa salka ku haaya shilimaad yar oo jeebka loogu riday madaxda sare.
imaaraadka ayaa had iyo jeer isku muujiya dowlada garab taagan shacabka soomaaliya iyagoo soo qaata boorar ay ku qoranyihiin( Dartaada ayaan halkan u nimid soomaaliyey)”لاجلك ياصومال”
been bey sheegeen imaaraadka maxaa yeelay uma imaan soomaaliya in ay gargaaraan ee wax ay u imaadeen in ay dhuxusha qaataan arintaasi oo halis ku ah jiritaanka soomaaliya qeybna ka qaadaneysa in abaaruhu ku sii bataan soomaaliya.
eedeynteyda ma ahan mid imdho la,aan ee bal ila fahan qodaobada hoose oo muujinaya u jeedooyinka cad cad ee imaaradka ku dooneyso dhuxusha iyo kheyraadka soomaaliya.
1_soo gelitaankii imaaraadkka ee soomaaliya ayaa yimid ka ddib markii ganacsi dhuxuleed uu dhexmaray soomaaliya iyo imaaraadka gacansigaasi oo ay gar wadeyn ka aheyd kenya ka dib qabshadoii kenya ee kismaayo, iyadoo magaalada kismaayo ay noqotay goobta laga dhoofiyo dhuxusha soomaaliya.
2_ taageeradii ugu horreysay ee imaaraadka siiyo soomaaliya waxa ay aheyd markii imaaraadku Hub iyo saanad mliteri ku wareejiyey Maamulka Axmed Madoobe sababtu Axmed madoobe taageerada u heleyna waaa dhoofinta dhuxusha kismaayo
3_kaalmadii koowaad ee imaaradka siiyo soomaaliya ma aheyn cunto lacago iyo waddooyin la dhiso ee waxa ay aheyd hub iyo baabuur dagaal u jeedkuna ahaa in alshabab laykaga celiyo hubka si dhuxusha dhoofinteeda kala joogsi u dhicin.
ku darsoo xilliga hubka uu siinaayo soomaaliya waxaa jiray abaaro badan.
sidaa darteed waa been boorka imaaraadka u qoran ee ah(لاجلك ياصومال) oo micnaheedu yahay dartaa ayaan u nimid halkan soomaaliyey balse badalkeeda waxaan leenahay(لا لاجل الفحم يا عرب) ( carabeey waxad u noogu timaadeen dhuxusha)
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]
W/QO: Maxamed Axmed Imbikaati