Imaaraatka Carabta Oo Faragelinya Mars!

-

Xarunta maxamed bin raashid, ee qaabilsan xiddigiska ayaa balan u qabatay goorta uu qorshaha yahay in hawada loo diro “misbaarkii rajada” oo noqonaya kii ugu horeeyey ee carab hawada u dirto.


Xaqiiqonews-Xiddigiska

Xarunta ayaa ku dhawaaqday in misbaarkan cusub la diri doono inta u dhaxeysa 20-22 ee bishani aynu ku jirno ee July, arinkaasi oo dib loo dhigay madaama horay loogu balansanaa 15-17 July.

Sida Xaqiiqonews ay soo tarjuntay, balankii hore dib u dhiciisu ayey wakaaladdu u sababeysay roobab xoog leh oo ka da’aayey jasiiradda Tanegashima oo ka tirsan Japan goobtaasi oo ah halka uu yaalo gantaalkii hawada u gami lahaa “misbaarka rajada”

Sidoo Kale Aqri..NASA Oo U Dhawaatay Qoraxda..Maxay Ku Arkeen?

Misbaarkani cusub ee maalgelintiisu ay leedahay Abu Dabia ayaa noqon doono kii ugu horeeyey ee noociisa ah, kaasi oo lagala socon doono isbabadalka cimilada meeraha gaduudan.

Waxaa la qorsheynayaa in misbaarkani uu gaari doono oogada sare ee Mars sanadka 2021, taasi oo ku soo beegmeysaa 50- sano guuradii ka soo wareegtay markii dhidibada loo aaasay dowladda Imaaraatka carabta.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...