Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

-

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka uu ka sameeyey meeraha gaduudan.


XAQIIQO NEWS- XIDDIGISKA

Maxamed Bin Raashid ayaa bartiis Tuwiterka ku baahiyey sawir uu misbaarka Rajada ka soo qaaday xilli gugeedka dhinaca waqooyi ee Meeraha Mars.

Bin Raashid waxa uu sheegay in Imaaraatka wixii hadda ka dambeeya ay qeyb ka noqon doonaan baaritaanada xog aruurinta caalamiga ah ee lagu sameynaayo meeraha gaduudan.

Sidoo Kale Aqri: NASA Oo Gabay Carabi Ah Soo Qaadatay..Waa Tan Sababta

Bishii Febaraayo 2021 Imaaraatka ayaa shaaca ka qaaday in misbaarkii Rajada uu gaaray oogada sare ee Mars, arintaasi oo Dalkani yar ee carbeed ka dhigeysa dowladdii 5’aad oo aduunka oo dhan ah ee gaarta meeraha Mars.

Shaqada misbaarka Rajada ayaa sii socon doonto muddo 2 sano, u jeedkana waxa uu yahay in la helo dhammaan sawirada oogada meeraha dhammaan heerarkiisa kala duwaan maalin, habeen iyo dhammaan afartiisa xilli, shaqadaas ayaa qaadaneysa 1 sano xilliga Mars ah taasi oo u dhigmeysa 2 sano oo dhulka ah.

Mareykanka, Ruushka, Midowga Yurub iyo Hindiya ayaa iyaga horay u tagay Meeraha Mars .

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...