Caadil Alkalbaani oo ah imaamkii hore ee Xaramka ayaa soo celiyey hadaladiisa muranka dhalin jiray isagoo markani sheegay in Nabi Maxamed SCW uu gurigiisa ku soo dhaweeyey Fanaaniin.
Xaqiiqonews-Wararka Dibadda
Alkalbaani oo wareysi siiyey telefishinka Sacuudiyaanka ee SBC ayaa sheegay in aan la inkiri karin in heesuhu ay caadi ahaayeen xilligii Nabi Maxamed isagoo daliil u soo qaatay Kitaabka Saxiixul Bukhaari gaar ahaan Baabka “Al-ciideen Li ahli islaam”.
Waxa uu tusaale u soo qaatay hadalkii rasuulka ee uu ku yiri Caa’isho markii ay arkeen gabar jaariyaad ah oo heeseysa “Caa’ishoy tani waa Qaynah ina hebel” , Alkabaani ayaa sheegay in Kalimadda Qeynaha marka la fiiriyo waqtigeenina ay ka dhigantahay “Fanaanad”.
Alkalbaani ayaa sheegay in heesaha lagu baran karo iskoolada wax dhib ahna aysan keeneyn diin ahaan, balse aan qasab laga dhigin.
Sidoo Kale Aqri Imaamkii Xaramka Oo Ka Laabtay Fikraddii Gaaleysiinta Shiicda!
Dad badan oo caan ka ah baraha buslahada ayaa ka hadlay doodda Alkalbaani iyagoo sheegay in Sheikha uu ijaafeeyey Nabi Muxamed SCW.
Dadka fikirkooda dhiibtay ayaa isku raacay in aan la simi karin xumaan ay sameeynayaan hees ay qaadayaan labo jaariyadood oo xilligaasi jirtay iyo fanaaniinta waqtigan.