Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka Aljaziira sanadkii 2013-kii waxa ay xustay in Soomaaliya ay yaallaan qiyaastii 550,000 ilaa 750,000.
XAQIIQO NEWS- WARKA GUDAHA
QM ayaa Soomaaliya saartay cunaqabateyn dhanka hubka ah sanadkii 1992-kii, hase yeeshee tan iyo markaasi waxaa dalka soo galay hub badan iyada oo warbixinada amnigana ay sheegayaan in hubka ugu badan ee dalka soo galay oo ka yimid dhinaca Itoobiya.
Sida uu qoraayo bogga macluumaadyada ee Wikipedia, 12.4% ayaa hubeysan boqolkii qof oo Soomaali ah, taasi oo ka sarreysa Ruushka oo dadka hubeysan lagu qiyaasay 12.3%, waxaa xusid mudan in Ruushka uu yahay dalka labaad ee soo saara hubka ugu badan adduunka oo dhan.
Soomaaliya waxa ay ka mid tahay 10-ka dal ee qori gacmeed fudud ee Ruushiyaanka AK-47 uu ka joogo qiimo ka sareeya $500 oo doolar, taasi oo marqaati ah ka ah sida hubka uu muhiim uga yahay gudaha Soomaaliya, oo ah dal aan 30 sano ka badan helin dowlad shaqeysa.

Gudaha Soomaaliya waxaa ka jira isku dhacyo hubeysan oo kala duwan, oo ugu weyn yahay isku dhaca hubeysan ee DF-ka iyo Alshabaab, isku dhaca hubeysan ee Amisom iyo Al-shabaab sidoo kale waxaa isku dhacyada hubeysan ka mid ah: isku dhaca hubeysan ee Puntland iyo Somaliland, isku dhaca hubeysan ee DF-ka iyo Ahlu Sunna, isku dhaca hubeysan ee Ahlu Sunna iyo Al-shabaab waxaa intaasi dheer isku dhacyada hubeysan ee beelaha.
Isku dhacyada hubeysan ee gudaha Soomaaliya ka jira ayaa badankooda salka ku haaya,dhul kala riixasho, boos ama jaga kala riixasho iyo diin.