Indhahan Mid Dooro Si Aad U Ogaato Qofka Aad Tahay

La Wadaag Asxaabtaada

Si aad u ogaato qofka aad tahay si fiican u fiiri sawirka hoose, dooro isha dooqaaga ah ee ku soo jiidatay.


Xaqiiqonews-

Ha ku bixin waqti badan, uma baahnid fiiro dheeri ah, waxaa kugu filan in aad indhaha mariso sawirka, islmarkaana aad doorato, si aad u ogaato qof ceynkee ah ayaa tahay.

Hadii ay ku soo jiidatay isha 1 -Waxaa tahay qof hal abuure ah

Dhamaan dareemahaada iyo fikradahaada waxa ay ka imaadaan qalbikaada hoose, waxaa tahay qof aan shaki badneyn waxa aadna had iyo jeer fulisaa waxyaabaha aad jeceshahay, waxaa dhacda in aad marar badan xasad ku noqoto horumarada dadka kale laakiin waa caadi ban’aadam ayaa tahay inta badana waaad is xakameysaa.

Hadii ay ku soo jiidatay isha 2- waxaa tahay qof dadka qancin kara

Waxaa tahay qof feejigan, hadalkaadana ma badna, waxaadna ka mid tahay dadka fikradahooda usoo bandhigi karaa qaab heersare ah.

Hadii ay ku soo jiidatay isha 3 -waxaa tahay qof dadaal badan

Waxaa tahay qof had iyo jeer xoogga saara qabsoomidda hadaf gaar ah, waxa aadna aqoon u leedahay ogaanshaha waxa aad dooneysid, inta badan iskuma dhiibtid caqabadaha noolasha.

Hadii ay ku soo jiidatay isha 4 – waxaa tahay qof furfuran.

Waxaad jeceshahay in aad had iyo jeer isku daydo in aad qaadato fikir furan, dadka waxa aad ula dhaqantaa hab furfuran maxaa yeelay kama cabsatid wax soo socda mustaqbalka.

Dadku waxa ay ku arkaan qof dagan oo furfuran , noolashaada waa farxad.

Hadii ay ku soo jiidatay isha 5- waxaa tahay qof naxriis badan

Waxaad ka mid tahay dadka ugu naxariis badan aduunka, waxa aadna awoodaa in aad naftaada sida adiga oo jooga booska qofka dhiban, waxa aad u naxariisataa dadka kugu hareereysan, xaywaanaadka iyo xitaa geedaha.

Hadii ay ku soo jiidatay isha 6- waxaa tahay qof Kaftan badan oo dadka ka qosliya

Waxa aad awood u leedahay in aad sameyso sheekooyinka qiyaaliga ah, waxa kale oo kala kedin kartaa sheekooyinka.

Dadku waxa ay jecelyihiin in ay lahaan lahaayeen “maskaxdaada camal”, laakiin ma garan karaan halkii ay ka bilaabi lahaayeen, waxa aadna dadka ku sixri kartaa firkadaaha iyo sheekooyinka khiyaaliga ah.

Hadii ay ku soo jiidatay isha 7 – waxaad tahay qof romaantik ah

Waxaa tahay romaantik, mana daneysid waxa dunida ka dhacaya, kaliya waxa aad xoogga saartaa qaabkii aad adiga jeclaan laheyd in ay dunida noqoto, had ioy jeer waxa aad niyada ku heysaa “rajada”.

Hadii ay ku soo jiidatay isha 8 – waxaa tahay qof dagan

Waxaa tahay qof dagan, islamarkaana naxariis badan, inta badan waxa aad raacdaa qaab nololeed maalinle ah, waxaad aaminsantahay fikradaha dadka ee ay ku sifeeyaan “kuwa cabsi leh ” badanaa in aysan dhicin.

Hadii ay ku soo jiidatay isha 9- waxaa tahay qof niyad jabsan

Waxaad dareemeysaa murugo iyo niyad jab, noolasha ayaa kugu adkaatay waxaadna raadineysay muddo dheer qaabkii aad ku cabiri laheyd niyad jabka ku heysta, illintu waa qaabka ugu wanaagsan ee murugo la iskaga saaro.

Hadda dunida waxaad u aragtaa goob xanuun badan – kumana khaldanid- dadka oo dhan waa ay soo maraan dareenkan mar un noolashooda ka mid ah.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada