farmaajo madaxweynaha xilligan ee soomaaliya ayaa ahaa madaxweynihii loogu taageera badnaa ee soomaaliya ka dib guushii waxaana magaalooyinga soomaaliya laga sameeyey dabaaldagyo lagu taageeraayey guushiisa balse 9 bilood ka dib aaway taageeradii?!.
Sawirka Inforaphka hoose waxa uu kuu muujinayaa heerarkii kal duwanaa ee ay soo martay taagerida shacabka tan iyo markii la daaortay waxaana sawirka laga dareemayaa in bilahii Feb ilaa April uu farmaajo ku raaxeysanaayey taageero 100% ah balse wixii Ka danbeyey May- June hoos ayey u dhacday taageeradiisa boqolkiiba 11% taasi oo micnaheedu tahay in uu May iyo June uu heystay farmaajo taageero ah boqolkiiba sideedan iyo sagaal 89%.
wixii ka danbeyey bil waliba waxa uu madaxweyne farmaajo sii luminaayey taageerayaal sababo badan dartood balse aynu ku soo goobi karno qodobadan hoose.
>farmaajo waxaa uu lumiyey taageeradiisii ka dib 3 bil oo uusan sameynin wax waxqabad ah oo muuqda waxaana ugu horeysay in uu iclaamiyey in muddo 60 maalmood gudahood ah uu ku soo afjari doono alshabaab taasi oo aan dhicin waxaana taasi ay keentay in laga niyad jabo balan qaadyadiisii
>dhiibistii qalbin dhagax oo iyadana noqotay bar madow oo dowladda wajiga kaga soo baxday gaar ahaan farmaajo wixii xiligaasi ka horeeyey dadka ugu sheegeyn jiray wadaniyad balse har cad dhiibay muwaadin soomaaliyeed.
> ugu danbeyntii bishii la soo dhaafay farmaajo taagrayaashiisa ayaa hoos u dhacay waxaana soo batay dad caayaya madaxweynaha iyadoo la xasuusta amaantooda bila ka hor waxaana hadda farmaajo uu wajahayaa caqabado adag oo ay ugu horeyso shacabkii oo ka baxay garabkiisa, xilli maalmo ka hor uu iclaamiyey farmaajo dagaal ka dhan ah alshabaab iyo in madaxtooyada loo rari doono Afgooye balse balantu wali waa afka baarkiisa sidada caadada madaxweynahaba aheyd.
