Instagram Iyo Facebook Oo Halis Ugu Jira In Yurub Laga Mamnuuco

-

Warbaahinta ayaa qoraya in shirkadda Meta oo leh webseetyada Faysbuug iyo Insitigaraam in ay halis ugu jirto maamnuucis laga saaro gudaha Yurub.


XAQIIQO NEWS- TIKNOOLAJI

Webseetka Ameerikaanka ah ee Axios ayaa qoray in Meta ay halis ugu jirto mamnuucis lagu sameeyo webseetyadeeda Faysbuug iyo Inistigaraam hadii midowga Yurub iyo Mareykanka aysan heshiis ka gaarin sida bayaanaatka iyo xogta loo wadaagaayo.

Heshiiskii horee ee midowga Yurub iyo Mareykanka ku jireen aya ku ekaa 2020, iyadoo intaasi wixii ka dambeeyey ay Meta ku shaqeyn jirtay heshiisyo gaar ah hase ahaate midowga Yurub waxa ay u arkaan heshiis aan jirin.

Meta waxa ay soo saartay digniin ay ku cadeyneysa hadii aan heshiis cusub la gaarin ama aan lagu shaqeynin heshiisyada gaarka ah in guud ahaan shirkadda ay joojin doonto adeegyada ay siiso macaamiisheeda Yurub ku sugan.

Digniinta shirkadda Meta ayaa lagu soo daabacay warbixin sanadeedkeeda kaasi oo la baahiyey khamiistii tagtay.

Markii ugu horeysay, khamiistii tagtay shirkadda Faysbuug waxa ay lumisay isticmaalayaashiii ugu badnaa aduunka oo dhan, arinkaasi oo shirkadda ku sababay in uu hoos u dhaco qiyaastii $200 milyan saamigeeda suuqa ay ku laheyd.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...